|

Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Maayarka Hargeysa oo furay Waddooyin cusub, kuwo kalena dhagax-dhigay

Hargeysa April 24,2012(SDN)-Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md.  C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa   maanta  dhagax dhigay waddo cusub oo laami ah oo dhererkeedu yahay 1.8Km oo  laga hirgelinayo  xaafadda DAAMI  ee degmadda Gacan-libaax  ee magaaladda Hargeysa isla markaana xadhiga ka jaray  waddo kale oo xaafadaasi laga dhisay oo dhererkeedu dhan yahay 900m oo ka bilaabanta Geerashka Cabdi-Xasan ilaa Baliga Daami.

 

Waxa kale oo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland xadhiga ka jaray wajigii labaad ee jidka 150-ka oo  isku xidha degmooyinka  26 June, Koodbuur iyo Gacan-libaax.

Maayarka Caasimadda Hargeysa  Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo  ka hadlay dhagax dhiga jidkan ayaa  sheegay dawladda Hoose ee Hargeysa ay dedaal badan gelinayso sidii ay wax uga qaban lahayd adeegyadda bulshadda ee Xaafadda Daami ee degmadda Gacan-libaax, waxaanu tilmaamay in wadani ay qeyb ka tahay qorshahooda ku wajahan xaafaddan.

“ Runtii dadweynaha ku dhaqan  xaafaddan Daami in badan ayaan waxba loo qaban taas oo noqon karta iyada oo aanay is abaabulin dadweynaha  xaafaddu ama iyada oo aan loo soo jeedsan, laakiin imika waxaanu ku faraxsanahay in Akadamiyada  beelaha la habysooco ee ay hogaaminayaan la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada iyo gudoomiyaha cusub ee degmadda Gacan-libaax  inay dar dar cusub geliyeen hawlihii xaafada oo xaafada wadooyinkeedii ay baneeyeen, dawladuna kolba xaafada is maamusha ee wax qabsanaysa diyaar ayey u tahay inay wax la qabato,”ayuu yidhi Maayarka Hargeysa Md. Xuseen Maxamuud Jiciir.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil oo  ka hadlay kulankaas waxa uu yidhi “Waxa noo farxad ah inaanu  dhagax dhigno waddadii u horaysay ee dhex maraysay Xaafadan Daami taas oo dhererkeedu yahay 1.8Km,runtiina waa nagu qasab in xaafadaha, degmooyinka iyo gobolada dib uga dhacay horu marka in la soo gaadhsiiyo meelaha kale ee horumarka gaadhay, waana waajib in khayraadka dalka la baahiyo oo la gaadhsiiyo gobol kasta iyo degmo kasta oo ka mida dalka, Dadweynaha  xaafadan ku dhaqana aad ayaan ugu hambalyeynayaa abaabulka ay sameeyeen.”

Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay dadweynaha ku dhiirigeliyeen sdiii ay  horumarka ugala shaqayn lahaayeen xukuumadda.

 

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inay goboladda iyo degmooyinka dalku ay isu abaabuleen sidii ay gacan kaalin wax ku ool ah ka qaataan horumarinta adeegyadooda daruuriga ah maadaama oo uu xusay in dhaqaalaha dawladdu xadidan yahay.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay  La Taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada Md. Barkhad Jaamac Xirsi  waxaanu  ammaan balaadhan u soo jeediyay dawladda Hoose ee caasimadda oo uu xusay inay waxyaabo badan ka qabatay mudooyinkii u dambeeyay horumarinta adeegyadda bulshadda ee xaafadda Daami.

“Waxaan u mahad naqayaa dhamaan masuuliyiinta Madaxweyne ku xigeenku hoggaaminayo, Wasiirradda iyo Maayarka caasimadda ee ka soo qeyb galay dhagax-dhiga wadadan oo wax weyn ka taraysa horumarkii xaafadda.waa markii ugu horaysay ee masuul sare oo ka tirsan qaranka mudadii ay jirtay Somaliland uu yimaado xaafada Daami taas oo farxad gaara noo ah Shicibka ku dhaqan xaafada Daamina waxay dareensiinaysaa sida xukuumadda ay uga go’an tahay oo ay cadaynayso siday u danaynayaan wax u qabashadda bulshadda xaafaddan,”ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi.

La Taliyuhu wuxuu si weyn ugu mahad celiyay shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL oo konton foosto oo daamur ah ugu deeqday dhismaha wadadan iyo Wasiirka duulista hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ugu yaboohay inuu ugu deeqayo sodon foosto oo daamur ah.

Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa xadhiga ka jaray waddo laga dhisay xaafadda Jameecadda ee degmadda Maxamuud Haybe  oo dhererkeedu yahay  1.9m taasi oo isku xidha xaafadda Jameecadda illaa xaafada libaaxyadda. Waxaanu maayarku u mahad celiyay dadweynaha xaafadaasi ee ka qeyb galay lacagtii qaadhaanka ee lagu dhisay jidkan. Waxa kale oo uu Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir xadhiga ka jaray waddo kale oo laga dhisay xaafadda Jig-jiga yare ee degmadda Koodbuur ee magaaladda Hargeysa.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed