|

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumada KMG Soomaaliya

Muqisho April 24, 2012(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha  Xukuumadda KMG Soomaaliya, Waxaana looga hadlayay in agaasimayaasha guud aysan saameyn ku yeelan doonin xilliga kala guurka ah oo ay dowladda KMG Soomaaliya imminka ku jirto.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Agaasimayaasha in ujeedada ay tahay in howlaha agaasimayaasha ay sidii loogu talagalay u socon doonto islamarkaana sheegay ineysan dhicin iney saameyn ku yeelato isbadalka socdo ee xilliga kala guurka ah.
 
Waxaana ra’iisul Wasaaraha warbixino ka dhageystay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo sida ay howlaha ku socdaan, Iyagoona Ra’iisul Wasaaraha u balanqaadeen iney waajibkooda gudan doonaan, Islamarkaana ay sii shaqeyn doonaan inta laga soo dhisayo xukuumadd dhameystiran taa oo looga baxayo xilliga KMG.
 
Kulanka kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha islamarkaana ku hadlayay Afka Agaasimayaasha Mudane Bashiir Goobe ayaa sheegay ineysan saameyn ku yeelan doonin shaqada adag oo ay Agaasimayaasho hayaan islamarkaana tilmaamay iney gudan doonaan waajibaadkooda shaqo kuna faraxsan yihiin howlaha imminka soconayo ee looga gudbayo marxaladda kala guurka.
 
 Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha kuna hadlayay Afka Agasaamiyasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya  ayaa tilmaamay iney derder gelin doonaan howlaha loo idmey oo ay xukuumadda iyo Shacabkaba u hayaan.
 
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay 11xubnood oo ka socota dowladda Koonfur Afrika kuwaa oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah madaama labada dal ay yihiin kuwa xiriir qoto dheer oo saaxiibtinimo ka dhaxeyso islamarkaana ay ka wada shaqeynayaan howlaha hadda socda ee mar xaladda kala guurka ah iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.

SDN-Muqdisho

contactsomalidiasporanews.com

Comments are closed