|

Ikhwaanka Masar oo ku baaqay isu soobax balaadhan

Qahira April 25,2012(SDN)-Kooxda  Ikhwaanu Muslimiin ee reer Masar  ayaa sheegay inay  kala qeybgalayaan  kooxaha  kala duwan ee dhinaca  siyaasadda  iyo axsaabta  waddankaasi,  waxay  ugu yeedheen isku soo bax  ilaa hal malyuun  oo ruuxi ay  ka qeyb qaadan  doonaan maalinta  Jimcaha ah  ee soo socota.

Isku soo baxaasi ay ku  dhawaaqeen  ayay ku  tilmaameen  inuu yahay mid  lagu  bad baadinaayo  kacdoonkii iyo isbadalkii waddankaasi ka dhashay,  kadib markii kacdoon  dadweyne  xukuunka  looga  tuuray  xukunkii madaxweyne  Xusni  Mubaarik.

Mr  Maxamuud  Xusayni,  oo ah  xog-hayaha  guud ee Ikhwaanu Muslimiin  ayaa xaqiijiyey in isku soo baxa  Malyuunka  qof ay  ka qeyb gali doonaan  maalinta  Jimcaha ee  soo socota,  inuu yahay mid ka dhashay  sidii loo ilaalin lahaa hannaanka  tubta  dimoqraadiyada ee dalkaasi k a socota  iyo  hirgalinta waxay  dadku doonayaan.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed