|

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo kulan la yeeshay dhigiisa Shiinaha iyo wararkii ugu dambeeyay ee xurgufka labada Sudan

Juba/Beijing 24, April 2012 (Qurbejoog.com/Guardian)- Dawladda dalka Sudan ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cumar al-Bashiir, ayaa sii wada duqaynteeda dhinaca cirka ee ay ku hayso degaamo ka tirsan dalka Koonfurta Sudan.

Sida uu sheegay afhayeenka Milateriga Koonfurta Sudan Kornayl Philip Aguer, waxa uu Salaasada maanta sheegay in ilaa 8 duqaymood ay diyaaraddaha Antonovs-ka loo yaqaanaa xalay ku garaaceen degaanka Panakuac, halkaasoo uu sheegay inay xudun u tahay dagaal ilaa Axaddii u dhexeeya labada dal.

Isniintii shalay, diyaaraddaha dagaalka ee dawladda Khartoum, waxay duqeeyeen goob suuq ah iyo soohdinta Saliida oo ka tirsan dalka Koonfurta Sudan, kaasoo ay ugu yaraan laba qof ku dhinteen, iyadoo labada dhinacna iswaydaarsadeen madaafiic.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Mr. Silva Kiir, ayaa Isniintii shalay booqasho ku tegay dalka Shiinaha, iyadoo uu kulan la yeeshay dhigiisa dalkaas Mr. Hu Jintao.

Intii uu socday kulan labada hoggaamiye Salaasada maanta ku dhexmaray Beijing, Madaxweyne Silva Kiir waxa uu Madaxweynaha Shiinaha u sheegay in weerada dawladda Khartoum ku qaaday South Sudan uu muujinayo sida ay dawladda Madaxweyne Cumar Xasan a-Bashiir ee Sudan u cadaysatay dagaalka ka dhanka ah Jamhuuriyada Koonfurta Sudan.

South Sudan, waxay dalweynaha Sudan ee oo ay hore uga tirsanayd ka go’day sanadkii hore 2011, ka dib markii 2005 heshiis lagu soo afjaray dagaalo tobanaan sano socday oo ay 2 milyan oo qof ku dhinteen.

Qurbejoog.com, Beijing

Comments are closed