Bulshada Soomaalidu waa Bulsho caynkeeya? By: Lucky Othman Kassim
Asalama calaykum sidan ku xusay cinwaanka maqaalkayga waxaan qalinka u qaatay inaan waxka qoro soomaalida iyo dhaqankooda iyo waxaan ku arkay, runtii waan ahay soomaaliyad waligayna meel ugaman bixin halkaan ku dhashay laakiin waxyaabo badan oon la yaabay ayaan arkay iguna kalifay inaan qalin u qaato waana fikirkayga waanan khaldanaan karaa waanan saxsanaan kara in badan oo ilamidana way ila qabtaa inbadana way igagasoo horjeesan doontaa oo dadku ma sina, hadaba waxaan ku bilaaabayaa qoraalkayga sidatan.
Soomaalidu waa dad illaahay ku maneystay nimcooyin badan oo anay fursad u helin umadaha kale ee illaahay ku beeray adduunka aan ka degennahay geeska afrikada bari, waana dad wadaaga Diin, Dhaqan, Af iyo Sinjiyad, mana jirto umad ama dal ay ku kulantay inta aan soo sheegay oo aan Soomaali aheyn,
Hadaba nimcooyinkaa ma yihiin dadka faa’iidaysta ? ma yihiin dad is jecel? Ma yihiin dad isu ogol wanaaga? Ma yihiin dad is taageera oo is quudiya ama markay dhibaato lasoo daristo is caawiya?
Maxay wakhtigooda ku lumiyaan inta ugu badan? Mase ka faa’iidaystaan wakhtigooda qaaligaa?
Hadaba hadii aan isku dayo inaan ka jawaabo dhamaan su’aalahaa waxan ku bilaabayaa soomaalidu run ahaantii maaha dad ka faa’iidaysta nimcada eebe ku galaday dhulkooga waxanay jecelyihiin inay sugaan uun wax dibada uga yimaada iskumana dayaan inay lasoo baxaan khayraadka dhulkooda ku duugan, iyagoo gaajoonyana way ka wiswisaan inay shaqooyinka qaar qabtaan oo waxay ku maahmaahaan “ Waan baahanahay looma bahalo cuno “ aadna way u kibir badan yihiin marka la eego dhinaca shaqada, waxaanan odhan karaa waxay nimcada illaahay siiyay uga faa’iidaysan layihiin waa shaqo nacayb.
Soomaalidu runtii waa dad is jecel qaraabadana xidhiidhiya dhaqankeenii horana ama waagii horena waxa aad looga danbayn jiray in lasoo dhaweeyo martida iyo ehelkaba laakiin taasi imika way is badashay labada isugu xiga ayaana dad isagu neceb aan waxbana isu ogalayn iyagoo isla jooga ama isla noolna is caayaya waxaanay ku maahmaahaan “ Ciirtaada dhamaa caydada yaqaan” waana run oo waayo waxad arkaysaa qofaad soo korinaysay gurigiina kugula noolaa isku si aad u wada noolaydeen hadana dunida kuugu neceb waana ta aan fahmi waayay halkuu wanaagii inaga maray.
Inaan eeda dusha kawada saaro dadkoo dhan maaha laakiin waxaan odhan karaa dadkeenii wuu isbadalay 70% isuma ogala waxa la yidhaa wanaaga oo hadad hadal wanaagsan tidhaahdid kaliya ayaan la odhananyn wuu fiicnaa laakiin lagaa xaasidayaa ka dad kuugu xigaana uu odhanayaa cidwaliba ha hadasho waxanan tusaale usoo qaadanayaa imika hadad waraysto arday school dhiganaysa ama jaamacad maxaad mustaqbalka aad noqonaysaa ama aad jeceshahay, markuu kuu sheego wuxu noqonayo ayuu xaga danbe ka raacinayaa tu eedo ii ah ama adeerkay oo na neceb baan balaayo ku dhigi doonaa waxanan odhan karaa waxaynu nahay umad horumarkaba u samaynaysa ficil iyo aargoosasho, intaynu sidaa nahayna horumar gaadhi mayno.
Soomaalidu waxay dhaqan iyo caado ulahaan jirtay in lays caaawiyo aan layskaga tagin dhibaatada runtiina dhaqankeenu wuxu ahaa dhaqan aad u qurux badan ilaa hadana way jiraan dad is caawiya ama dad wanaagsan laakiin way yaryihiin waxanay yidhahdaan “ ninkii wax haysta ayuunbaa wax loogu daraa” oo waxad moodaabaa inaynu ukala baxanay dabaqado oo inba dhinac isku raacday dadkeenii oo hadii aad magac leedahay ama lacag qofwaliba wuu kusoo dhawaynayaa waa lagu daba ordayaa laakiin hadii intaa lagaa waayo laguma yaqaano waxaanad tahay nacas, ehelnimadiina waxaaad moodaaba inay meesha kasii baxayso iyo is xidhiidhintii.
Soomaalidu waa dad aad u jecel inay ka doodaan siyaasada maqaaxiyahana fadhiistaan, kana hadlaan maantoo dhan waxaan shaqadooda ahayn wakhtigooda qaaligaana aan ka faa’iidaysan, waana dad faduuliyiin ah oo waxkasta fara galiya dadkana xukuma aan eegina xoriyada qofka iyo qofku waxaa miyuu doonayaa mise marabo waxayna intabadan jecelyihiin inay toodu u sucoto dadka shucuurtoodana ku ciyaaraan niyad jabiyaana oo qofbaa odhanaya waxasan rabaa inaan qabto kabacdi waxay ku odhanayaan ma karaysid ama kuuma fiicna xaga xuna wax way ka eegaan, dhibaatada ugu weyn ee haysataana waa ka hadalka waxanay shaqo ku lahayn iyo iyagoon ku xisaabtamin wakhtigooda waxayna ila tahay waa bilaa camalka ama ma haystaan waxay ku mashquulaan.
Iyadoo ay waxaasoo dhami jiraaan ayaanay walibana khaladkooda qaadan oo qumanahoodu qoorta u sudhan yahay runtana aadbay u necebyihiin oo hadaad qof runta u sheegtid markasa kuugu danbaynaysa wuu ku nacayaaa waanay ka xanaqan in waxa xaqiiqdaa laga hadlo xataa hadaad shaqaynaysid oo aad runta waxwalba ka sheegtid waxa suurtagal ah in aad waydid shaqadada, dadka inta daacadana waabay nacaan oo qofka wax isdaba mariya ayaa lasoo dhawaystaa.
Hadaba waxyaabahaa aan kor kusoo xusay oo dhami waa wax jira laga yaabaa inaad igagasoo horjeesataan igu raacdaana, waana wax loo baahanyahay in wax laga qabto waayo ummad muslin ah soomaali ah dhaqan leh dhaqankeenuna uu aad u fiicanyahay baynu nahay waxaana la yidhi “ Baruur qudhunsan baa baruuro qudhmisa “ hadii aynaan iska gaadhina way ina wada saamayn doontaa aduunkana waxaan xal loo helin majirto ee aynu ka gaashamano oo wacyigalino dadkeena una sheegno inanay dhqankeena iyo diinteena midnaba aanay ina faryn in sidan loo dhaqmaa waxanan hubaa hadii aynu isku dayno ku dadaalnana waxbadan inaynu badali karno, qoraalkayga waxan kaga baxayaa Gacmo wada jirbay wax ku gooyaane aynu isku duubnaano kana hortagno aafadan iyo xumaantan inagusoo badanaysa.
By: Lucky Othman Kassim
Email: lucky.otman@gmail.com