Ururka Dhalinyarada DDSI ee UK oo munaasibad ku taageeray Xukuumada iyo Ururka Horumarinta DDSI
London, 24, April 2012 (SDN/Cakaaranews)- Ururka Dhalinyarada Soomaalida Itoobiya ee ka dhisan cariga Ingiriiska ayaa munaasabad lagu taageerayay Ururka Horumarinta Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee dhawaan laga dhisay DDSI ku qabtay Magaalada London(UK). Munaasabadan oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Jaaliyada DDSI ee UK iyo Marti Sharaf kale waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada UK Mudane Maxamed Cabdiqaadir Foolow.
Maxamed Cabdiqaadir ayaa ugu horayn u mahadceliyay ka soo Qaybgalayaasha waxaanu sheegay inau ugu talogaleen munaasibada Taageerada iyo Bogaadinta ay u dirayaan Madaxweynaha DDSI, Xukuumada DDSI iyo Ururka horumarinta deegaanka Soomaalida Itoobiya ee dhawaan lagu aasaasay magaalada Jigjiga.
Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada DDSI ee UK ayaa Xukuumada maanta jirta ku amaanay waxqabadka horumarineed iyo isbedelada mashaariiceed ee ay ka taabo galisay Deegaanka,islamarkaana yidhi sii wada dadaaladiina horumarineed tiirar adag ayaanu idiin nahay,islamarkaana ku booriyay Qurbajoogtu in ay Doorkooda ka qaataan horumarka iyo Maalgashiga DDSI.
Dhanka kale Xoghayaha Ururka Dhalinyarada DDSI ee UK Shaalaqe Cabdilaahi yare ayaa isna sii adkeeyay Taageerada iyo Bogaadinta ay u dirayaan Xukuumada DDSI iyo Ururka Horumarinta Dawlada Deegaanka Soomaalida.
SDN, London