|

Havana: Madaxweynaha Venezuela oo ka hadlay xaaladiisa Caafimaad ee uu Cuba u tegay iyo warar ku xidhiidhiyay inuu geeriyooday

Havana 23, April 2012 (Qurbejoog.com/BBCnews)- Madaxweynaha dalka Venezuelan Hugo Chavez, ayaa markii u horaysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad tan iyo markii 9 maalmood ka hor daawayn loo geeyay dalka Cuba.

Madaxweyne Chavez oo 57 jir ahi, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhexmarayay oo sheegay inuu geeriyooday, ka dib markii 14 April daawayn dhinaca xanuunka Kansarka la xidhiidha loo geeyay caasimadda Cuba ee Havana. “Wararkaasi (dhimashadiisa), waxay qayb ka yihiin dagaalka dhinaca maskaxda, ee ah dagaalka khariban,” ayuu yidhi Madaxweynaha oo isagoo ku sugan Havana khadka telefoonka ugu waramay Telefishanka dawladda Venezuela.

Siday sheegtay BBC News, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in daawayntiisa caafimaad ay weli socoto.

Hugo Chavez waxa uu sheegay inuu u baahnaa nasasho uu qaato, balse uu dareensan yahay waajibaadka ku saabsan inuu shaqadiisa qabsado, inkastoo ay weli daawayntu u socoto.

Bishii February ee sannadkan, Madaxweynaha Venezuela, waxa lagu sameeyay qaliin, wuxuuna ku noqnoqday oo ilaa waqtigaas uu u dhexeeyay Caracas iyo Havana, sababo la xidhiidha daawayntiisa cudurka Kansarka.

Qurbejoog.com, Havana

Comments are closed