|

Jaamacada New Generation ee Hargeysa oo Xaflad soo dhaweyn ah u qabatay Guddoomiyaha Jaamacadaaas ee Adis Ababa

Hargeysa April 23,2012(SDN)-Kulan ay  soo qaban qaabisay  jaamacadda  New Generation  ee magaalada  Hargeisa  oo lagu soo dhaweynayo  guddoomiyaha jaamacaddaasi ee magaalada  Addis  Ababa ,  ayaa lagu  qabtay  hotel maansoor ee magaalada  hargeisa.

Kulankaasi  waxa  ka soo qeyb galay  xildhibaano  maamulka iyo macalimiinta  jaamacadda  New Generation   iyo marti sharaf kale,,  waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay  guddoomiyaha  jaamcadda  New  Generation  laanta  magaalada  hargeisa C/casiis  maxamed  yuusf  waxaana  uu ugu horeyn  sheegay  inuu ku faraxsan yahay  booqashada  waftigan   uu hogaaminayo  mulkiilaha jaamacadda  new generation ,  waxaana  uu tilmaamay  inay  dalka u yimaadeen u kuur  galidda  xaaladda waxbasharo  ee jaamcadda  iyo  tayada  aqoonta ay bixiyaan macalimiinta,  waxa sidoo kale  isna halkaasi ka hadlay  guddoomiyaha  jaamacadda  New Generation Pro Gijille   oo sheegay  inuu  aad ugu  faraxsan yahay imaatinka Somaliland, isla markaasina  ujeedada  socdaalkiisa  uu yaha inuu la kulmo   ardayda  jaamacadda  New Generation  iyo siday  xaaladdoodu wax badasho ay tahay ,  waxana uu sheegay in  labada  qaybood  ee magaalada  hargeisa iyo  magaalada  addis  ababa ay yihiin  mid qudha  manhaj kaliyana ay  wada isticmaalaan  oo aanu wax farqi ah  u dhaxaynin,  waxana  uu intaa raaciyey  in ardayga   raba  inuu u baddasho  qeybta  addis ababa  aan wax  shuruuca lagu  xidhayn

waxa  iyagun  halkaasi ka hadlay  xildhibaan axmed dirir  oo ka tirsan  xildhibaanada  golaha  guurtida  iyo Bisuune  oo ah  lataliyaha  dhinaca  sharciga  ee jaamacadda New  Generation   iyo  c/naasir  oo isna ah  macalin wax ka dhiga  jaamacadda  New  Generation  qeybta  addis  ababa,  dhamaantoodna waxay  ku dheeraadeen  qiimaha  waxbarashadu ay  leedahay iyo sida loogu  baahan yahay in la helo  dayar  aqoon leh  oo wax ka badala  mustaqbalka dalka iyo dadkaba, 

Gabagabadii  munaasibaddaasina waxa shahaado sharafyo la guddoon siiyey  gudoomiyeyaasha  qeybaha  Addis  Ababa iyo  hargeisa  ee  jaamacadda New Generation

 SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed