|

Madaxweynaha Sudan oo booqday magaalada xuduuda ah ee Heglig oo dagaalo ka taagan yihiin, kana dhaartay wadahadal uu la galo Koonfurta

Khartoum 23, April 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir, ayaa gaadhay magaalada dhinaca koonfureed ee dhulka Saliida ee Heglig.

Magaaladan oo ay dhowaan qabsadeen ciidanka dalka Koonfurta Suudaan, waxa ka taagan cabsida dagaalo u dhexeeya labada dal.

Ciidanka South Sudan, waxay iska difaaceen xoogaga Sudan, waxayna laba todobaad ka hor qabsadeen Heglig oo qani ku ah saliida.

Todobaadkii hore, Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir, waxa uu sheegay inuu ciidankiisa ku amray inay ka soo baxaan degaankaas.

Laakiin, Madaxweynaha xukuumadda Khartoum Cumar Xasan al-Bashiir, waxa uu sheegay in ciidankiisu ay degaankaas ka saareen kuwa dawladda Juba.

“Ma jiro waanwaan u dhexaysa umaddan,” ayay wakaalada wararka ee AFP ka soo xigatay Madaxweyne Bashiir, xilli uu la hadlayay masuuliyiin ka tirsan dawladda South Sudan markii uu gaadhay Heglig. “Wadahadalka aynu iyaga (South Sudan) la leenahay waxa weeye; madaafiicda iyo rasaasta,” ayuu Madaxweyne Bashiir u sheegay askartiisa.

Xurgufta u dhexaysa labada Sudan, waxay salka ku haysaa saliida uu qaniga u yahay gobolka Heglig oo dhinac kastaa sheeganayo, kuna yaala xuduudka labada dal. Heglig oo ugu yaraan kala-badh wax-soosaarka saliida Sudan ka soo baxdo, waxa loo aqoonsan yahay inay ka tirsan tahay Sudan, inkastoo weli Koonfurtu ku murmayso qaybo ka mid ah.

Isniinta maanta, diyaaraddaha dagaalka ee Sudan, waxay garaacen meel u dhow magaalada xuduuda Koonfurta Sudan ee Bentiu, iyadoo ay ugu yaraan hal qof ku dileen, siday goobjoogeyaashu sheegeen.

Qurbejoog.com, Khartoum

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed