|

War degdeg ah: Shir Diyaaradeed ka dhacay Pakistan oo khasaare culus sababay

Islamabad 20, April 2012 (Qurbejoog.com/NYTimes)- Diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Pakistan, ayaa goor dhawayd ku burburtay meel u dhow caasimadda dalkaas ee Islamabad.

Sida uu ku waramay wargeyska New York Times, diyaaraddan oo ay leedahay shirkad la yidhaahdo Bhoja Air oo ah mid gaar loo leeyahay, lagana leeyahay dalka Pakistan, waxa saarnaa 118 rakaab ah iyo 9 shaqaale ah, iyadoo dhammaan 127-kaa qofba dhinteen.

Warku wuxuu intaa ku daray, in cimilo-xumo sababtay burburka diyaaraddaas oo xaalad murugo ah ka abuurtay dalka Pakistan.

Diyaaraddu waxay 5:00 galabnimo xilliga dalkaas ka duushay madaarka Karachi, wuxuuna qorshuhu ahaa inay fiidnimadii Jimce ee maanta ka degto madaarka caasimadda Islamabad.

Siday goobjoogeyaal sheegeen, waxa 6:40 p.m la arkay olol cirka ah oo ka dhashay diyaaraddaas, ka dibna waxay qiyaastii 10 daqiiqo ka dib ku dhacday xaafad lagu magacaabo Hussainabad.

Goobta ay diyaaraddaasi ku dhacday, waxay qiyaastii 6 miles (9.6 Km) u jirtaa madaarka caalamiga ah ee caasimadda Islamabad ee dalka Pakistan.

Qurbejoog.com, Islamabad

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed