Muj. Dhegoweyne: “Sida ay guddiga Diiwaangelintu u badheedhay go’aan u badheedhaya ayaanu soosaaraynaa”
Hargeysa 20, April 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UDHIS Muj. Ibraahim Cabdullaahi Xuseen (Dhegoweyne), ayaa qaadacay natiijada ay maanta ku dhawaaqeen guddiga Diiwaangelinta ururada siyaasadeed ee Somaliland.
Guddigu waxay subaxnimadii Jimcaha maanta sheegeen in urur 6 u gudbeen ka qaybgalka tartanka doorashada dawladdaha Hoose oo la filayo inay dabayaaqada sanadkan qabsoonto.
Hase yeeshee, Ibraahim-dhegoweyne waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijada guddigu ku dhawaaqday. Waxa uu tartanka laga reebay ku sifeeyay mid badheedh ah, taas bedelkeedana waxa uu ku hanjabay in urur ahaan ay soosaari doonaan go’aan u badheedhaya sida uu hadalka u dhigay, sida guddigu u badheedhay. “Go’aanka ay guddida Diiwaangelinta ururaddu soo saareen maaha mid aanu aqbalayno oo noo cuntamaya, sababtuna waxa weeye; wixii bani’aadamku markhaatiga ka ahaa ee gobol waliba dadkiisii halkaa soo tumay in aanu been ka sheegno ma ogolaanayno,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay inay go’aan ka soosaari doonaan dhawaaqada guddiga. “Go’aan cad oo ururku leeyahay oo aan ka noqosho lahayn baanu galabta ka soo saari doonaa, go’aan sidaa ay u badheedheen u badheedhaya ayaanu ka qaadaan doonaa,” ayuu yidhi Dhego-weyne.
Sidoo kale, waxa uu ku dooday in ay Maxkamad gayn doonaan dacwad ay kaga soo horjeedaan go’aanka kala-reebista ururada siyaasadeed. “Maxkamadda waanu u gudbin dacwadayada haddaannu Maxkamad u aragno, laakiin waxa dhacay wax la aqbali karo iyo wax aanu qaadan karno midna maaha,” ayuu raaciyay.
Qurbejoog.com, Hargeysa