Xukuumada Somaliland oo Khibrad xumadeedii Muujisay
Hargeysa April 20,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa si isdeba jooga oo ku talogal fara badani ka muuqdo waxa ay u waday siyaasad cusub oo ay xiriir kula yeelaneyso Soomaaliya.
Siyaasadaahas oo xeeldheereyaal iyo shacaba ay dhaliilo ku wejahan siyaasadan aan la lafo gurin dhibaatada ay keeni karto.
Xukuumada oo aan ogolaasho u heysan wadahal lala galo Soomaaliya ayaa u muuqatay mid ka duuleysa dano shaqsiyadeed.
Judhiiba Xukuumadu waxa ay igmatay masuul aan khibrad faro badan u leheyn habka iyo hanaankii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay,waa wasiir Maxamed Cabdilaahi.
Taasi waxa ay ina dhaxal siisay in xukuumadu Britain u soo marto in ummadda lagu cadaadiyo in laga qeybgalo shirkii Soomaaliya ee London lagu qabtay.
Natiijada qudha ee shirkaa ka soo baxayna waxa ay noqotay in Somaliland markii u horeysay ay la fadhiisato Somaaliya isla markaana la wada hadlo.
Reer Somaliland ayaa qorshahan cusub ee Axmed Siilaanyo shaki ku soo dhaweeyay.
Hadaba kolkii in badan xukuumadu dabada ka riixeysay wadahadaladan ayaa shalay waxa ka soo yeedhay hadal khibrad xumadooda ka turjumaya oo ay ku qaadacayaan wada hadaladii hore looga taag waayay.
Si kastaba ha ahaatee weli waxa jira fursad xukuumadan indho la’a loo dabo qaban karo waa hadii ay jirto lexajeclo.
Marka hore Somaliland ha lagu soo celiyo sdii Kulmiye loogu dhiibay,oo hala saxo cabashooyinka iyo dhaliilaha jira.
Marka xigana Kulmiye ha garwaaqsado in uu xukunkii dalka toban sano ka dib ku guuleystay dalkana dawlada ha u wada noqdo.
Reer Kulmiyena ha iska iloobeen riwaayadan leh waxaanu ognahay Aduunka ku baxa Soomaaliya,oo ha ogaadeen wax badso waxbeel ayay leedahay.
Hadii kale waa hadii kale’e nin waliba tuuladiisa ayuu ku noqonayaa oo uu cidii uu dan bido ku darsan doonaa.
SDN-Hargeysa