|

Guddoomiyaha Banka Jabuuti Jaamac Xeyd oo Dhuumaaleysi ku Yimi Hargeysa

Hargeysa April 20,2012(SDN)-Guddoomiyaha Banka Jabuuti Md Jaamac Xeyd ayaa maalmiii u danbeeyay magaalada Hargeysa ku sugnaa isla markaan aan saxaafadda la hadal.

Jaamac Xeyd oo dhanka kalena ay xidid yihiin Madaxweynaha Jabuuti ayaa ah ruuxa Jabuuti danaheeda ka fuliya Somaliland.

Jabuuti ayaa damacsan in mashaariic dhaqaale ka fuliso Somaliland,inkasta oo mashaariicdaasi waxba ka hirgelin ilaa iyo haatan.

Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa garwaaqsatay in xukuumada Jabuuti diyaar u aheyn in ay cilaaqaad siyaasadeed la yeelato Somaliland.

Halka Mucaaridka dalka Jabuuti ay tiraba dhawr jeer ka dhawaajiyeen in ay diyaar u yihiin cilaaqaad uu dalkoodu la yeesho Somaliland.

Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa intii ka danbeysay shirkii London ee Soomaalida halkaa loogu qabtay ka dib quus ka muujisay hab dhaqanka Jabuuti.

Waana sababtaa ta keentay in Jaamac Xeyd aaney u suurto gelin in uu Muuse Biixi ku hubsado xilka Musharaxnimada Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye.

Jabuuti ayaa hore lacago ugu bixisay burburinta xisbiga Mucaaridka ee UCID oo khilaaf dalkaa laga soo abaabulay uu dhex galay madaxda sare ee Xisbigaasi.

Guddoomiyaha Baanka Jabuuti Jaamac Xeyd ayaaney cadeyn in uu weli ku sugan yahay Hargeysa iyo in uu Jabuuuti ku guryo noqday.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed