Dawlada KMG ah oo Abaalmarin ku bixineysa Leynta iyo Qabqabashada Shabaabka
Muqdisho April 20,2012(SDN)-Sida ay ku warameyso wasaarada Arrimaha Dibedda ee dawlada KMG ah ee Soomaaliya waxa jira qorshe cusub oo la yaab leh oo lagu cidhib tirayo kooxda Shabaabka.
Qorshahan ayaa lagu balanqaaday in cid walba oo disha ama soo qabata ruux ka tirsan Shabaabka la siin doono abaalmarin lacag ah.
Qorshahan oo uu soo bandhigay Guddoomiyaha Gobolka Banadir Maxamed Axmed Nuur Tarzan ayaa ruuxii soo dila ama soo qabta ruux ka tirsan Shabaabka in la siin doono $500 oo dollar.
Arrinta ayaa keeni karta in lagu abaal mariyo in ay sii wadaan isleynta dhawr iyo labaatan sano ka dib.
Qorshaha Abaalmarinta ayaan cadeyneyn sida lagu xaqiijinayo in ruuxu yahay Shabaab iyo shacab.
SDN-Muqdisho