|

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka WADANI oo si diiran loogu soo dhaweeyay Boorama

Borama, 19, April 2012 (SDN)- Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee urur siyaasadeedka WADANI ahna Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka Ururkaas Axmed Muumin Seed iyo wafti saraakiil sarsare oo ka tirsan ururkan oo ay ka mid ahaayeen  Siyaasi  Axmed Cali Ubaxle iyo Siciid Maxamuud Jaamac ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka WADANI Axmed Muumin Seed ayay duleedka magaalada Boorama kaga horyimaadeen taageerayaal tiro badan oo ku labisan astaanta Ururka Wadani, isla markaana waxa loo soo galbiyay dhinaca magaalada Boorama.

Axmed Muumin Seed iyo masuuliyiintii la socotay ayaa aad ugu mahadnaqay dadweynihii ku soo dhaweeyay magaalada Boorama, iyadoo la filayo maalmaha soo socda inuu kulamo la yeesho Guddoomiye ku-xigeenku qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boorama iyo Gobolka Awdal.

Magaalada Borama ayaa ka mid ah meelaha uu ururka Wadani ugu cududda iyo taageerada badan yahay, isla markaana Siyaasi Axmed Muumin Seed ayaa miisaan culus ku leh guud ahaan Gobolka Awdal iyo Selal.

SDN, Borama

 

Comments are closed