Daraasad ka Hadleysa Bilicda Hargeysa oo la soo Bandhigay
Hargeysa April 19,2012(SDN)-Wasiirada Arrimaha Gudaha,Diinta iyo Awqaafta,Maayarka Caasimada Hargaysa iyo Xubno ka tirsan gudida horumarinta Bilicda Caasimada ayaa Maanta ka qayb galay kulan lagu soo bandhigayay daraasad lagaga sameeyay hawlgalkii dawlada hoose ee ku wajahnaa kor u qaadka bilicda Caasimada.
Waxaa kale oo kulankan ka qayb galay Xoghayaha Dawlada hoose iyo Xubno ka tirsan gudida horumarinta bilicda caasimada,waxaana daraasadan soo diyaariyay Machadka cilmi baadhista ee Beder .
Mas’uul u hadlayay machadka daraasadan soo uruuriyay ayaa sheegay in qaybaha kala duwan ee ay xogtan ka soo uruuriyeen ay u muujiyeen sida ay u taageersan yihiin hawlgalkan oo kor loogu qaadayo bilicda guud ee caasimada kuwaas oo ay daraasadu tilmaantay in 57% ay aad ula dhaceen, halka 36% ka soo horjeedeen isla markaana 7% ku kala muujiyeen inuu saxsan yahay iyo mid khaldan.
Wasiirku Arimah gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” waxaa uu sheegay,inuu aad u soo dhaweynayo Hawlgaladii banaynta wadooyinka ee ay dawlada Hoose ka Magaalada Hargeisa,isagoo Qiray inay dareensan yihiin in qaybo ka mid ah bulshadeenu ay nolol maalmeedkooda kala soo bixi jireen goobaha hawl galka laga sameeyay ee hareeraha wadooyinka, hasa yeeshee waxa uu Wasiirku cadeeyay in marka la is barbar dhigo Faa’iidada iyo khasaaraha arrintani ay arkeen una soo baxday in Khasaaraheedu inuu ka badnaa Waxtarkooda,waxaanu wasiirku intaasi ku daray in Muhiimadu ay tahay ilaalinta wax kastoo wax u dhimaya Danta Guud ee qaranka.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” waxaa kale oo uu Sheegay in Hawlgalada dawlada Hoose samaysay ee dib u soo noolaynta Bilicda caasimadu ay ahayd mid aad loogu Baahnaa isla markaana ay shacabku ku taageersan yihiin.
Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay cilmi baadhistan ayaa u mahad celiyay ururka Beder ee isku soo dubo-riday cilmi baadhistan madaxa-banaan. Waxaanu tafaasiil ka bixiyay marxaladihii uu soo maray hawl-galkaasi oo uu xusay inuu wax weyn ka taray bilicdii iyo fayo-qabka bulshadda.
Maayarku wuxuu sheegay inay dadka laga raray suuqyadda ay ugu tallo-galeen inay ku ganacsadaan 13 sariibadood oo waaweyn oo ku yaalla degmooyinka caasimadda, kuwaasi oo uu carabka ku dhuftay inay madhan yihiin oo ay qaadi karaan cidii ku ganacsanaysaba.
Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir wuxuu si adag ugu digay shirkadaha Laydhka iyo kuwa isgaadhsiinta oo uu sheegay inay muddo dheer ka dhegaha ka furaysteen amarro ay dawladda Hoose fartay oo la xidhiidhay inay waayiradooda ka basriyaan jidadka suuqyadda iyo badhtamaha magaaladda Hargeysa.
Maayarka Hargeysa wuxuu sheegay inay si deg deg ah tallaabo adag uga qaadi doonaan shirkadaha ka dhego adaygay inay u hoggaansamaan baaqyaddiihore loogu jeediyay, waxaanu carabaabay inay xadhkahooda cagaf gelin doonaan.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Daakhiliga ee xukuumaddii Rayaale Cabdilaahi Ismaaciil (Cirro), waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo natiijadda daraasadan. Waxa kale oo uu ku dooday in loo baahnaa in la kala nidaamiyo jaho-wareerkii ka taagnaa suuqyadda caasimadda Hargeysa.
SD-Hargeysa