|

Casho Sharaf iyo Sagootin loo sameeyay Kooxda Kubedda Koleyga Somaliland

Hargeysa April 19,2012(SDN)-Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha, dhaqanka Somaliland, Md. Cabdi Siciid Raygal, ayaa ka qayb galay xaflad casho sharaf ah oo ay shirkada Sagaljet caawa ku sii sagootiyaysay kooxda kubadda kolayga Somaliland, ee ka qayb galaysa tartanka caasimadaha bariga iyo badhtamaha Afrika, oo 23 ka bishan ka bilaabmaya magaalada Kambala ee dalka Yugaandha.

Xafladaasi casho sharafta ahayd oo lagu qabtay Hudheelka Summer Time ee magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay masuuliyiin ka socday wasaaradda ciyaaraha oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud Md. Mustafe Maxamuud Qodax, agaasimaha waaxda ciyaaraha fudud, guddoomiyaha xidhiidhka kubadaha gacmaha, ciyaartoyga, masuuliyiin ka socday shirkada Sagaljet oo uu ka mid ahaa maareeyaha shirkadaasi iyo marti sharaf kale.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay wax lagu farxo tahay in kooxdii kubbadda kolayga Somaliland oo u baxaysa ciyaar dalka dibadiisa ah oo ay dalal badan oo caalami ahi ka qayb gelayaan ay xafladooda isugu ymaadaan.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay ciyaartoyga in mudada ay joogaanka dalka Yugaandha gaar ahaan inta ay socdaan ciyaaruhu in ay ilaaliyaan anshaxa muujiyaan akhlaaq wanaag, haddii ay badiyaan iyo haddii laga badiyaba, isla markaana ay ilaaliyaan sharafta iyo magaca qaranka.

Wasiirka Dhalinyarada, ciyaaraha, dhaqanka Md. Cabdi Siciid Raygal, ayaa amaan balaadhan u soo jeediyay madaxwaynaha Somaliland oo uu sheegay in uu si deg-deg ah uga jawaabay dalab ahaa in uu lacagta ku baxaysa ciyaartoga qayb ka bixiyo isaga oo wasiirku xusay in madaxwaynuhu lacagtaasi ka inteeda badan ka bixiyay, waxa kale oo uu wasiirku boogaadin u jeediyay dawlada hoose ee Hargaysa gaar ahaan maayarka oo uu sheegay in iyana lacagta qayb ka bixisay.

Sidoo kale wasiirka ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay shirkada Sagaljet oo uu sheegay in ay marwalba ka qayb qaadato waxyaabaha lagu horumarinayo ama lagu dhiiri gelinayo guud ahaanba bahda ciyaaraha.

Maareeyaha shirkada Sagaljet, Cabdi Yuusuf oo isna hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedada ay u casho sharafta ugu sameeyeen ciyaartoyga, isaga oo sheegay in ay tahay in ay dhiirigaliyaan dhalinyarada ku ciyaaraysa magaca caasimada Somaliland ee ka qayb gali doonta tartanka kubbada kollayga ee caasimada dalalka bariga iyo badhtamaha qaarada Afrika, kaasi oo 23-ka bishan ka furmaya magaalada Kambala ee caasimada Yugaandha.

Cabdi Yuusuf ayaa tilmaamay shirkad ahaan in ay masuuliyadii ka saaran tahay horumarinta bahda ciyaaraha, markastana la garab taagan yihiin in ay ku dhiirigeliyaan wixii karaankooda ah.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadaha gacmaha Somaliland Md. Maxamuud C/laahi Xasan, oo isna halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay shirkada Sagaljec oo uu sheegay in ay mar kasta bahda ciyaaraha dhinacyo badan ka caawiso, isaga oo xusay muhiimada ay ciyaaruhu u leeyihiin dalka iyo dhalinyarada.

Kooxdan kubadda kollayga Somaliland ee xaflada sagootinta ah loo sameeyay ayaa ka qayb geli doonta tartanka kubbada kollayga ee caasimada dalalka bariga iyo badhtamaha qaarada Afrika, kaasi oo 23-ka bishan ka furmaya magaalada Kambala ee caasimada Yugaandha.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed