Waxgaragka Beesha Garxajis Weyne ee Woqooyiga America oo ka wada hadlay xaaladaha dalka
Washington April 19,2012(SDN)-Waxa Habeenimadii xalay Kulan looga arinsanayo xaaladaihii u danbeeyay ee Jamhuuriyada Somaliland Khadka Telefoonka ku yeeshay wax garadka Beelweynta Garxajis ee ku dhaqan Qaarada Woqooyiga America.
Kulankan ayaa la iskula soo qaaday Dareenka Beesha ee ku wejahan sida wax u socdaan intii ka danbeysay mudadi xilka ay la wareegtay Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.
Wax Garadka Garxijis ayaa sidoo kale lafo guray doorka Beesha uga banaan arimo ay ka mid yihiin tartanka ururada Siyaasadda iyo horumarka degaan weynaha beesha ee Geeska Africa.
Sidoo kale waxa la isla Gorfeeyay sida Beeshu gacan uga geysan karto xaaladaha Siyaasadeed iyo kuwa Colaadeed ee ka jira Dalka.
Kulanka waxa la siku tusay in ay jiraan muqaalo beeleysan oo la huwiyay humaag Dimuqraadiyadeed oo dalka Ka jira.
Si Markaa aaney beeshu dhibane u noqon waxa la is la qaatay in laga hawlgalo sidii loo baraarujin lahaa u qaabilsaneyaasha Beesha ee dhinacyada Dhaqanka,Siyaasadda iyo Ganacsiga.
Waxa iyana la soo jeediyay in fiiro gaadha loo yeesho Ashqaasta danaha Shaqsiyadeed ka hormarineysa ta Guud ee Hadana magaca Beesha Huwan.
Wax garadka Beesha Garxajis ee munaaqashada yeeshay ayaa is tusay in uu jiro tafaraaruq siyaasadeed oo loo baahan yahay in wax laga qabto si aan looga faaiideysan.
Kulankan ayaa waxa ka qeybgalay wax garadka kala gedisay ee Culimada,Haweenka Dhalinta iyo aqoon yahanka Beesha Garxajis Weyne ee ku dhaqan Qaarada Woqooyiga America.
Kulankan aaa horu dhac u ahaa kulamo dhawr ah oo la qoondeeyay in si fool ka foola ay Beeshu u yeelato.
Sidoo Kale Beesha Waxgaradkeeda ku Nool Woqooyiga America waxa u qoondeysan in ay kulamo noocana la yeelato dhawaan laamaha kalae ee Qurbejooga Beesha.
Gunaaanadkii kulanka ayaa loogu Duceeyay guud ahaan Ummadda Islamka in Eebe ka saaro xiliga adag ee lagu jiro.
Sidoo kalena waxa Eebe laga beryay in Ummadda reer Somaliland ka yeelo mid uu waafejiyo Tawfiiqda.
SDN-Washington