|

Gollaha Wasiirada KMG ah oo maanta ka shiray qodobo dhawr ah

Muqdisho, 19 April 2012(SDN)-Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ayaa maanta waxaa sh ir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, loogana hadlay Dakhliga, canshuuraha iyo Kharashaadka Dawladda,  barista qaraxii thearterka, xaaladda dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Tiyaatarka iyo Suuqa Baydhabo, arrimaha amniga iyo gobollada, warfdiga ka imaanaya dawladda Koonfur Afrika, Horumarinta Kaabayaasha Isgaarsiinta.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed cabdulle Garjeex ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay golaha dakhliga dawladda kasoo gala ilaha kala duwan ee dhaqaale sida Gagada Caalamiga ah ee Aadan Cadde, Furdada Xamar, Ex Control Afgoye, iyo hayadaha kale sida immigrationka, wasaaradda gaadiidka, iyo civil aviationka, iyo meelaha ugu muhiimsan oo ay ku baxaan kharashaadka dawladda sida raashinka ciidamada, mushaaraadka shaqaalaha, mushaaraadka barlamaanka iyo kharashaadka wasaaradaha.

Raiisal Wasaaraha ayaa ku boorriyay wasaaradaha inay helaan qaabab cusub oo lagu kordhiyo dakhliga, iyadoo golaha ay wasiirka weydiiyeen wax yaabaha sababay in dakhliga uu khasnadda kusoo wada xaroon. Mudane Cabdinaasir Garjeex ayaa golaha u sheegay dadaallada ay wasaaraddu sameysay sida tirakoobka baraha ganacsiga, tayaynta waaxda canshuuraha, waxey sidoo kale wasaaradda la hadashay dhammaan hayadaha dawladda siday isaga kaashadaan dakhli uruurinta.

Guddigii Golaha Wasiirada ay u saareen baaristi iyo dabagalki qaraxii ka dhacay theaterka Qaranka ayaa warbixin horudhac ah soo gudbiyay iyaga oo sheegay iney maalinta axadda ah ay soo gudbin doonaan warbixinta oo dhameystiran goalahana soo hordhigi doonaan, Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Mudane Cabdicasiis Sheikh yusuf ayaa sidoo kale warbixin golaha ka siiyay xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay isla qaraxaas.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed (X.D.S) ayaa warbixin dheer golaha kasiiyay guulihii ay kasoo hooyeen ciidanka qalabka sida furumaha lagula dirirayo cadawga, waxa uu sidoo kale ka warbixiyay sida ciidamada AMISOM loo geynayo gobolladii la xoreeyey, taliyaha ayaa golaha u sheegay in ilaa 4 sector loo kala qeybiyay, Sectorka 1aad oo ah Muqdisho, sectorka 2aadna Kismaayo, kan 3aadna uu yahay Baidoa iyo kan 4aad oo ah Beledweyn iyo ciidamada sida loogu geynayo iyo xilliyada la geynayo.

Golaha ayaa sidoo kale isla qaatay codsi Wasaaradda Gaashaandhiga ay keensatay oo ah in dhamaan ciidamada qalabka sida loogu yeero magacooda asalka ah oo ah “Ciidamada Qalabka Sida” “Somali Security Forces (SSF)” si aysan u jirin wax kale oo ciidan lagu tilmaami karo dalka.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa golaha keenay qorshe lagu hormarinayo kaabayaasha isgaarsiinta sida sameynta isku xire isgaarsiin “Interconnectivity platform” iyo horumarinta qaab ammaan ah oo isgaarsiin “Secure Network Sysytem’ oo ay dawladda u isticmaasho xiriiradeeda khaaska ah.

Ugu danbeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay dalka Koonfur Afrika iyo wafdi heer sare ah oo dalka dhawaan soo gaari doona oo ka socda dawladda K/Afrika, wadatashiyo iyo iskaashil ballaaranna la sameyn doona dawladda federaalka KMG ah.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed