|

Al Shabaab oo si Fool u xun u Dilay Guddoomiyihii Ceel-Cade

Ceel Cade April 19,2012(SDN)Kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada DF iyo kuwa Itoobiya iyo Kenya ayaa la aaminsan yahay in ay Kurka ka Jartay Guddoomiyihii degmedda Ceel Cade ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha oo berihii ina dhaafay la baadi goobayay ayaa waxa meydkiisa la helay tiyoo Madaxa laga jaray.

Ilaalada Gaarka ah ee Yaxye Xuseen Isaq ayaa sheegay in guddoomiyaha hab gaadmo ah lagu qabtay ka dib kolkii uu iska fasaxay ilaaladisii.

Madaxa ciidamada Gedo Col Aden Axmed Xirsi ayaa saxaafada u sheegay in ay wadaan baadigoob ay ugu jiraan cidii falkan ka danbeysay si sharciga loo horgeeyo.

Kooxda Al Shabaab ayaa inta badan habka foosha xun u laaya masuuliyiinta dawlada KMG ah ee Soomaaliya.

SDN-Ceel Cade.

contact@Somalidiasporanews.com

Comments are closed