|

Somaliland oo ka noqotay Wada-hadalladii Soomaaliya waa maxay sababtu?

Hargeysa, 19, April 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay ka noqotay wada hadalladii hore loo shaaciyay inay wada yeelanayaan Soomaaliya.

Ilo wareedyo u dhuun-daloola Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa Somalidiasporanews/Qurbejoog.com u sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ka noqotay wadahadalladii loo qoondeeyay in caalamku bilaha soo socda u qabto Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida ay wararkaas tibaaxayaan waxa la sheegay in sababta ugu  wayn ee Somaliland wada hadaladaas uga noqotay ay tahay arrimo la xidhiidha cida ay Soomaaliya u soo magacawday inay la hadasho Somaliland oo ka soo jeeda isla Somaliland, iyadoo Xukuumadda Somaliland ku doodday in la hadalka dadkaas  Somaliland ka soo jeeda ay u muuqanayso iska horkeen ay dawladda Soomaaliya iska horkeenayso dadka reer Somaliland, isla markaana ay qaadacayaan wada-hadallada Soomaaliya.

SDN, Hargeisa

Comments are closed