|

Wasiirka Maaliyada Oo Soo-saaray Wareegto uu ku dhaqan-galinayo Miisaaniyad Sanadeedka 2012-ka

Hargeysa, 19, April 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa soo saaray Digreeto uu ku dhaqan-gelinayo Miisaaniyad Sanadeedkan 2012ka isagoo dhaqan-gelinta kasakaw soo saaray Qoddobo badan oo uu ku Tashiilayo Iscmaalkeeda iyo Dakhli soo Ururinteeda, waxaanay Digrreatada Samaale u qornayd sidan:-

Ujeedo Dhaqan-gelinta Miisaaniyadda 2012:-
Anaga oo fulinayna go’aanka Ansixinta Miisaaniyadda 2012 ee Golaha Wakiiladda Lr.
GW/G/KF/559/2012 ee 04-04-2012 IYO DIGREETADA Madaxweynaha JSL/M/XERM/249-1026/042012 ee 07-04-2012 iyo xeer Madaxweyne Lr. 0225/0421012 ee 07-04-2012 oo lagu baahiyay Dhaqan Galka Miisaaniyadda sanadka 2012.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa nidaamkii iyo tilmaamihii loogu dhaqmi lahaa Miisaaniyadda sanadka 2012, oo ka kooban Dakhli iyo Kharashba.
Dakhliga:-

Dhamaan Wasaaradaha Dawladda Dhexe iyo Hay’adaha Dawliga ah ee u xilsaaran Dakhli ururinta waxaa lagu adkaynayaa inay u hawlgalaan qiyaasta Dakhli ee laga rabo inay soo xareeyaan, eek u tilmaaman shaxda deegaamaynta halkan ku lifaaqan,
idinkoo raacaya shuruucda, Tacriifadaha iyo hab xisaabeedka Dawladda, kuwaas oo
wareegtooyin gaara la idiinku soo gudbiyey.
Waxa kale oo xusid mudan in madaxda sare ee Hay’adaha Dakhli ururintu iska saaraan xil dabagalka, soo xaraynta iyo ogaanshaha heerka dakhliga (kor u kaca iyo hoos u dhacaba).

Kharashka:-
Kharashka Miisaaniyadda sanadka 2012 waxa uu ku salaysnaan doonaa hadba inta uu yahay Dakhliga ina soo gala, taas oo la idinku wargelin doono wareegto hadaba xaaladu sida ay tahay sadexdii biloodba hal mar.
Iyadoo laga duulaayo qaabkaas ah isku dheelitirka Dakhliga, Kharashka iyo shuruucda Maaliyadeed, waxa la raaci doonaa

qodobadan hoos ku qoran:-
Kharashyada la hakiyey ilaa Wakhti dabe:-
Kharashka dhismayaasha iyo wadooyinka
Kharashka Daryeelka Ceelasha
Kharashka Iibsiga Hantida noockastoo uu yahay
Kharashka Noolka Safarada Dibada
Kharashka Safarada Gudaha
Kharashka Mashruuca Tarminta dhirta
Kharashyada Data-baseka iyo Cilmi baadhista (Economic Resaearch)
Kharashaadka gaarka ah
Kharashka Kabka Raashinka
Kharashka bixinta Magaha
Kharashka Dhiirigalinta Shaqaalaha
Kharashyada 20% ka mid ah la hakiyay ilaa wakhti dambe:-
Spare parts
Stationery
Martiqaadyada iyo Munaasabadaha.
– Tababarada
– Talaalka Xoolaha
– Habeen dhaxyada
– Kharashka Caafimaadka
– Isgaadsiinta
– Kharashyada yar yar

Waxa reeban in la galo kharash dheeraad ah ‘’Over Expenditure’’ oo ka baxsan Miisaaniyadda, eeg xeerka nidaamiyaha xisaabaadka Dawladda Qodobkiisa 17aad xubintiisa 1aad.
Waa inaan isticmaalka kharashyada lagu koobin magaala madaxda oo kaliya ee lagu fidiyo, laguna baahiyo dhamaan xafiisyada Gobolada & Degmooyinka Dalka, iyadoo la
raacayo habka waaranada si loo af-jaro cabashooyinka ka yimaada Gobolada iyo
Degmooyinka.
In awooda kharashka (Warrant) ay gaadhaan dhamaan Gobolada & Degmooyinka sadex bilood walba bisha u horaysa, una soo diraan xisaab celin xaruntooda maamul saddex bilood walba.
Biilasha taagan eek a soo hadhay sanadkii hore ee 2011 waxaa loo bixin doonaa qaabka ay ku baxaan kharashyada

Miisaaniyaddu.
Kala wareejinta Miisaaniyadda (Budget Variation):-
Sida uu qeexaayo Qodobka 16aad xarafkiisa 3aad ee xeerka Maamulka Maaliyadda iyo Xisaabaadka,
wixii kala wareejin Madax xigayaasha waxay ka bilaabmi doonaan 1-july Waxa ka
reeban in kharashka shaqaalaha iyo Hantida raagta wax laga wareejiyio.
Fulinta Siyaasada 2012:-
Sida ku cad go’aanka Golaha Wakiiladda ee kor ku xusan waxa lagu ansixiyay lifaaqa
Siyaasadda Miisaaniyadda 2012, waxaanan halkan idiinku soo gudbinayaa Qodoabada ugu muhiimsan ee u baahan inaynu si wada jira u fulino waaxa sidan:-

• In wixii Ha’adaha Caalamiga ah ku caawiyaan Hay’adaha Dawladda Heshiisyadooda loo soo gudbiyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, sidoo kalena xisaab celintooda bil kasta loo soo gudbiyo Wasaaradda Maaliyadda.
• In shirkaha Maalgashiga ee ganacsi nooc kasta oo uu yahay lacagaha ay bixiyaan lagu shubo khasnada Dawladda.
5. Hantida Dawladda:-
Hanti kasta oo Qaran, ha noqoto mid guurto ag ama ma guurto ah, waa in ay lahaataa
Diiwaanada kala duwan ee sharcigu qeexayo, kuna sugnaataa xanaanayn iyo daryeel
fiican.
Waxaa wasaaradaha iyo Hay’adaha laga codsanayaa inay Wasaarada Maaliyadda u soo gudbiyaan warbixinta Hantidaas ay u xil saran yihiin, iyaga oo raacaya wareegtadii iyo foomamkii ay Wasaaradda Maaliyaddu hore u soo gudbisay.
Board of Survey:-
Waxaa intaas dheer, sida uu qorayo Xeer nidaamiyaha Bakhaarada Qodobkiisa Lr. 110 aad in sanadkan la samayn doono Guddi Hantida Dawladda (Board of Survey).
Sidaas darted; waxaa la idin xasuusinayaa inaad si rasmi ah ugu diyaar noqotaan, idinka oo nooc kasta oo hantiyeed halinaaya Diiwaanada u gaarka ah.
Gebo Gebo:-
Mudanayaa; inkasta oo dhaqaalaha dalku aanu ahayn mid xoogan, maadaama aanu jirin wax soo saar badan oo dalku dhoofiyo hadana dhaqaalaheenu waa mid marba mark aka dambaysa soo xoogaysanaya, waxaanan gebagabadii idinla socodsiinayaa in yoolka Wasaaradani yahay in Miisaaniyadda sanadkan 2012 ay si dhab ah u hirgasho sidii sanadkii 2011 kii, isla markaana laga arko isbedelka aan kor ku soo sheegnay anagoo ku raja weyn inaad dhinaciina wax nagala qaban doontaan, la’aantiina aanay
suurtagalayn.

SDN, Hargeisa

Comments are closed