Ma Hadhada Taariikhda,abaalka dhaca Axmed Siilaanyo ee Md Xamerji(PRT2)
Hargeysa April 18,2012(SDN)-Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa mudadii uu mucaaridka ahaa iyo xiligii tartanka Doorashooyinka waxa si weyn ugu gurmadey siyaasiyiin kala duwan oo maanta aan ka muuqan masraxa siyaasadeed.
Kuwaa waxa ka liita qaar uu madaxweynuhu bahdilaad ugu daray abaal ka dhaca,halkaa qaar kalena ayba xabsiyada ku jiraan.
Masuuliyiinta Madaxweynuhu aanu tixgelin abaalkii ay u galeen iyo sifada sharci ee masuul lagu xidhi karo waxa ka mida Guddomiyaha xisbiga Kulmiye ee Maroodijeex Axmed Cumar X.C/laahi (xamarji).
Hadaba eeg qoraalkan uu madaxweyne Axmed Siilaanyo soo saaray xili ka mida xiliyadii ugu adkaa ee uu soo maray Md Xamarje;
“Tan iyo intii talada dalka uu qabtay Daahir Riyaale doorashadii madaxtooyada ee 2003dii ka dib waxa uu dagaal toos ah oo qaawan oo dhinac walba leh af iyo addinba ku qaaday xisbiga KULMIYE, taasoo aanu xisbga KULMIYE marnaba ka bixin jawabtii ku haboonayd ama uu xaqa u lahaa, isagoo xeerinayey waxyaalo badan una arkayey inay jawaab la’aantaa maslaxadi ku jirto.
Xukuumadda Daahir Riyaale waxa ay marwalba oo ilaa xilligaa aan kor ku sheegnay ku simaan ilaa maanta oo aynnu joogno si cadawtinimo ah ugu isticmaalaysey cabudhinta iyo cadaadiska xisbiga KULMIYE awoodda dawladeed ee ay gacanta ku hayso.
Dhibaatada, dibindaabyada, iyo xad-gudubku waxay yihiin kuwo saameeyey dhamaan bulshada reer Somaliland, waxase intooda badan dhibaatadu gaar ugu dhacdaa cidda loo tuhmo inay yihiin taageerayaasha ama xubnaha xisbiga KULMIYE.
Waxa taageerayaasha KULMIYE xukuumaddu si qaawan ugala dagaallantay dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, qandaraasyada, shaqada dawladda, hay’adaha caalamiga ah, NGOyada maxalliga ah iyo meel kasta oo ay nolosha ka raadsan lahaayeenba.
Dhaqamadani waxa ay ku khasbeen in badan oo umadda ka mid ah in ay muujisan kari waayaan dareenkooda siyaasadeed ee ay xaqa u leeyihiin.
Waxa markhaato madoon ah oo umaddu si cad u ogtahay:
1. In 04/04/2005 xukuumaddu weerar ku qaadday xarunta xisbiga KULMIYE iyagoo aan dariiq sharci u soo marin, oo raadinaya idaacad loogu sheegay inay xaruntaas taallo oo KULMIYE leeyahay, taasoo haddii ay jiri lahaydba ay ahaan lahayd mid xisbigu xaq dastuuri ah u leeyahay, oo in lagu weeraro iskaba daayoo in laga horjoogsadaa ay xaraan tahay.
2. Waxa xukuumaddu isku dayday inay xidho xog-hayihii guud ee xisiga
Daa’uud Maxamed Geelle alla ha u naxariistee 04/04/2008.
3. Waxa 2006dii madaxweynuhu shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay isagoo ku nuuxnuuxsanaya in KULMIYE yahay cadwoga gudaha ee Somaliland leedahay, isla markaana ay yihiin qaran dumis.
4. Waxa xukuumaddu guud ahaan gaar ahaanna madaxtooyadu xuquuqdeedii muwaaddinnimo ka qaaa\dday marwada guddoomiyaha xsibiga KULMIYE Marwo Aamina Sh. Kaddib markii ay ku guulaysatey imtixaan ay u gashay jago ka bannaanayd hay’adda CARE International, shaqadaasoo madaxtooyadu dhaar iyo wacad ku martay inaanay qabanayn ama hay’addu dalka ka baxayso, aakhirkiina la siiyey nin sawaaxili ah oo ka mid ahaa dadkii imtixaanka galay ee ay kaga guulaysatey.
5. Waxa xukuumaddu sannadkii 2006dii si sharciga aan waafaqsanayn u xidhay guddoomiyihii xisiga ee gobolka Awdal.
6. Waxa xukuumaddu weerar gelisey guriga xubin ka mid ahayd guddida fulinta ee xisbiga iyadoo doonaysey inay xidho sababo fekerkiisa la xidhiidha dartood (Muuse Biixi)
7. Waxa xukuumaddu si sharci darro ah xabsiga u dhigtay muddana ay ugu haysatey xubin ka mid guddida fulinta ee xisbiga ka mid ahayd (C/waaxid C/Qaadir C/Raxmaan).
8. Waxa xukuumaddu isku dayday inay xabsiga u taxaabto masuul isna ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE (Maxamed Kaahin Axmed).
9. 10/04/2008 waxa wasiirka arrimaha guduhu C/laahi cirro warbaahinta caalmaka iyo ta maxalliga ahba ka sheegay inuu KULMIYE ka danbeeyey qarax la sheegay inuu ka dhacay guriga guurtida taasoo:
10. 10//4/2008 loo qabtay oday Deyr Maxamed Cilmi.
11. 12/04/2008na loo qabtay guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE Axmed Cumar X.C/laahi (xamarji).
12. 01/05/2008 waxa xukuumaddu si sharci darro ah xabsiga ugu taxaabtay xubin ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ilaa haddana uu u xidhan yahay (Abshir Xasan Xaashi).
Dhamaan dhacdooyinkani waa kuwo la wada ogayahay oo Aan qarsoodi ahayn, mana jirto dhacdo keliya oo xukuumaddu caddaysay, isla markaana mar jirto dhacdo keliya oo maxkamad lagu horgeeyey ciddii lagu eedeeyey, muwaadin walba marka muddo la haysto ee xorriyaddiisii, karaamadiisii iyo tii xisbigiisaba laga lumiyo ayaa lasyka soo daayaa.
Arrimahan aan kor ku soo sheegnay iyo qaar kaleba waxa xisbiga KULMIYE u arkyey ilaa haddana u arkaa daan-daansi iyo falal cadowtinnimo oo loola badheedhay, waxa kale oo KULMIYE u arkayey dagaal ay xukuumaddu go’aamisey ama ay caddaysay oo nalagu soo qaaday.
Xisbiga KULMIYE waxa uu xukuumadda u soo jeedinayaa in ay sii deyso xubnaha xisbiga ee gardarrada ugu xudhan.
Xisbiga KULMIYE waxa uu dhaleecaynayaa falalkaa masuulyad darrada ah ee xukuumaddu kula dhaqanto, waxaanu caddaynayaa inaanu dulqaad danbe u yeelan doonin una adkaysan doonin tallaabooyin danbe oo noocan ah.”
Maanta Xabsiga ayuu Mudanahani ku jiraa tiyoon loo marin xadhigiisa sifo sharci ah.
Musuqu waa shey u baahan in lala dagaalamo balse waa in la maraa sifo sharciga waafaqsan oo dhamaan masuuliyiintu ay sharciga u siman yihiin.
SDN-Hargeysa