Xiddigadda Soomaaliyeed Farxiya Abdi(LA-Sparks Draft WNBA)
LA-Sparks-April-18-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu maanta ku soo qaadaynaa xiddigadda Soomaaliyeed Farxiya Abdi oo ka ciyaarta kubadda Koleyga dalka Czech Republic haysatana dhalashada Sweden ayaa waxaa qaatey(Draft) WNBA LA-Sparks.
Xiddigadan oo dharerkeedu yahay 6-2 laguna magacaabo Farxiya Cabdi kana soo jeeda Dalka Swedan waxay ku guuleysatey in loo qaato wareegii labaad hore (first Pick Up) WNBA waana gabadhii ugu horeysey ee Soomaaliyeed ee ku biirta kooxaha waaweyn ee gabdhaha ka ciyaara cariga Mareykanka loona yaqaan WNBA.
Xiddigada Soomaaliyeed oo labaatan jir ah -20-tan jir ah ayaa u ciyaareysey(Professional Basketball Player) koox lagu magacaabo Frisco Brno oo ka dhisan wadanka Czech Republic,Halyeyaddan ayaa uruursan jitey Average) 29-dhibcood iyo 17-an-Repound).
Xiddigadan Farxiyo hooyadeed Saciidi iyo Aabaheed Ali ayaa qoxootimo ku yimid wadanka Sweden sanadkii 1980-kii iyo Todoba caruur ah oo ay Farxiyo ugu yartahay.
Xiddigadan Soomaaliyeed Farxiya Abdi soo kifaaxeedii markii ay ka ciyaarijirtey Sweden gudaheeda waxay ku guuleysatey sanadkii 2010 ciyaaryahankii ugu fiicnaa sanadkaa (Player Of The Year) u sahasheyna inuu qaato naadiga Frisco Brno ee wadanka Czech.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com