|

Ganacsade Soomaaliyeed oo Dacwadeeyay ciidamada Kenya

Liboi April 18,2012(SDN)-Ganacsade Soomaali ah ayaa dacwadeeyay ciidamada dalka Kenya ee ka hawlgala xadka u dhexeeya labada dal.

Maxamed Cali Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay gacanta ku dhigeenin ka badan 3,500 oo kiish oo Sonkor ah oo uu u waday degmeda Dhoobley.

Gawaadhidii waday Sonkorta ayaa ciidamadu sheegeen in ay ka guddbeen xadka Dalkoodu la leeyahay Soomaaliya.

Ganacsadaha ayaa Maxkamada ka dalbaday in aaney ciidamadu gubin ama qubin Sonkorta inta maxkamadu socoto.

Wadada tagata Dhoobley ayaan sidaa uga fogeyn xadka Kenya oo ay haatan ka hawl galaan ciidamda dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa heegan dheeri ah ku jira ka dib kolkii ay kooxda Al Shaaab ee gacata ku heysa degaanada saaran xadka ay dhawr jeer weerareen guddaha dalka Kenya.

SDN-Liboi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed