Meles Zenawi: “Ciidanka Itoobiya dhowaan way ka baxayaan Soomaaliya, dagaalka ay Al-Shabaab la galeena…”
ADDIS ABABA, 18 April, 2012 (Qurbejoog.com/AP)- Raysal-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, ayaa sheegay in ciidanka dalkaas ee la dagaalamaya maleeshiyaadka Al-Qaacida ku xidhan ee jaarkooda Soomaaliya ay si dhakhso ah ugu laaban doonaan dalkooda Itoobiya.
Siday ku warantay wakaalada wararka ee AP, Raysal-wasaare Meles oo Salaasadii la hadlayay Baarlamaanka dalkiisa, waxa uu sheegay in gobollo ka tirsan Soomaaliya oo ay xilligan xukumaan ciidanka Itoobiya lagu wareejin doono ciidamo ka socda Burundi, Kenya, Djibouti iyo Rwanda.
Inkastoo ay dalalka Uganda, Burundi, Kenya iyo Djibouti ciidamo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya ay haatan ciidamo ka joogaan dalkaas, dalka Rwanda wax ciidan ahi xilligan kama joogo Soomaaliya.
Ciidanka Itoobiya waxay Somalia galeen bilawgii sannadkan, wuxuuna Raysal-wasaare Meles sheegay in hawlgalkaasi uu natiijo aad u wanaagsan ka keenay dagaalka maleeshiyaadka Al-Shabaab. Raysal-wasaaraha Itoobiya ma caddaynin waqtiga ka soo bixista ciidanka iyo xil-wareejintooda goobaha ay gacanta ku hayaan ee ka tirsan Koonfurta Somalia. “Ujeedadayada ku luglahaansuhu waxa uu ahaa in aanu caawino dawladda kumeel-gaadhka ah (Somalia) iyo in aanu ka gargaarno wiiqida kooxda Al-Shabaab, waxayna noqotay mid guul ah,” ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Itoobiya.
Waxa uu sheegay in ciidanka Itoobiya ay iska-caabin ciidan oo aan waynayn kala kulmeen gudaha Soomaaliya, inkastoo ay Al-Shabaab sheegatay inay fulisay dhawr weerar oo dhimasho sababay oo ka dhan ah ciidanka Itoobiya.
Raysal-wasaare Meles Zenawi waxa uu sidoo kale Baarlamaanka u sheegay in aanay Itoobiya ku jirin hawsha dagaal oo ay la gasho dalka ay iska horjeedaan ee Eritrea.
Qurbejoog.com, Addis Ababa