|

Madax ka socota hay’ado Caalami ah oo booqday Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir intii aan daawayn dibadeed loo qaadin

Hargeysa 17, April 2012 (Qurbejoog.com)- Xubno ka socday hay’addo Caalami ah, ayaa la sheegay inay gelinkii hore ee maanta gurigiisa ku booqdeen Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo jugi ka soo gaadhay markii doraad xooga lagaga saaray shirweynihii golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo xilkana lagaga qaaday.

Siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, madax ka socotay hay’adda UNPOS oo ah xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya, ayaa la sheegay inay booqdeen Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ka hor intii aan maanta daawayn dibadeed loo qaadin.

Inkastoo aan la sheegin tirada weftigaas iyo xilalkooda, haddana waxa la sheegay inay u booqdeen si ay indhahooda ugu arkaan xaaladiisa caafimaad.

Wararka qaarkood waxay tibaaxeen in booqadaa ka dib, ay madaxdaasi tageen xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Ma cadda inay qaddiyadan kala hadleen Madaxweyne Siilaanyo iyo inkale.

Sidoo kale, waxa jira warar kale oo sheegaya in xubno Midowga Yurub ka tirsani ay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ku booqdeen gurigiisa.

Masuulkan oo doraad si xoog ah lagaga saaray shirkii golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye oo uu guddoomiye kuxigeenkiisa 2aad ahaa, waxa maanta diyaarad gaar ahi daawayn ugu qaaday dalka Isugtaga Imaaraadka Carabta, si baadhitaan iyo daawayn dheeraad ah loogu sameeyo dalkaas.

Waxa la sheegay in nin ay walaalo yihiin oo magaciisa lagu sheegay Cali Cabdiqaadir, in uu diyaaradaas gaarka ah u keenay, taasoo ka qaaday magaalo-xeebeeda Berbera. Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka mid ah aasaasayaashii SNM, gurigiisana London na lagaga dhawaaqay ururkaas, waxa ay jugi ka soo gaadhay markii shirkaas ay ciidanku xooga kaga saareen, taasoo ku keentay inuu damaq sameeyo nabar hore oo dhabarka kaga yaalay.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed