Tartan Quraan akhris ah oo Maanta Hargeysa Lagu soo gunnaanadey
Hargeysa April 17,2012(SDN)-Tartan Qur’aanka Kariimka ah ii mudaba u socday ardayda wax ka barata Madarasada Al ixsaan ayaa Maanta lagu soo gabo gabeeyay xarunta Madarasadaas ee Caasimada Hargaysa.
Tartankan ayaa hablaha iyo Wiilashii ka qayb qaadanayay ay qolo kastaaba dhinaceeda u tartamayeen ,iyadoo ardaydii ku guulaysatay Kaalmaha hore oo ka koobnaa 13 arday oo wiilal iyo hablo isugu jira la gudoonsiiyay abaal marino ay ka mid yihiin Kitaabka qur’aanka kariimka ah iyo kaadhadh ay duuban yihiin Sodonka Jis ee Qur’aanka Kariimka ahi ka kooban yahay.
Maamulaha dugsiga Al Ixsaan Maxamed Cismaan Aamin oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tartankan abaabulkiisa iyo qaban qaabadiisuba ay ku qaadatay mudo bil ah isla markaana ay ugu talo galeen sida uu xusay sidii ay ugu dhiirigelin lahaayeen ardayda .
Sidoo kale Maamulaha Guud ee Madarasada Al Ixsaan Sh.Yaasiin Ibraahin C.raxmaan ayaa ka waramay muhiimada barashada qur’aanka kariimka ahi ugu fadhiyo aadamaha .
Qaar ka mid ah Waalidiinta ay caruurtoodu wax ka bartaan dugsigaas ayaa u mahad celiyay maamulka dugsigaas oo iska xil saaray sidii ay ubadka yar yar u bari lahaayeen kitaabka qur’aanka kariimka ,gabo gabadii munaasibadaas waxaa halkaas ku soo bandhigay aqoonta dhinaca diinta qaar ka mid ah ardayda wax ka barata madarasadaas.
SDN-Hargeysa