|

Wasiirka Duulista Somaliland oo ka Warbixiyay Dib u bilowga Duulimaadyada Ethiopian Airlines

Adis Ababa April 17,2012(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa kulamo kala gedisan kula yeeshay Dalka Itoobiya oo uu socdaal ku joogo maalmihii u dambeeyay Wasiirka Hawlaha Guud ee Itoobiya, Maamulka shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya iyo safiirka dalka Britain u fadhiya Addis-ababa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Duulista Hawada Somaliland soona gaadhay Wakaalada Wararka ee Solna ayaa isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan :-

“Waxaa muddo afar maalmood Socdaal Ku joogay caasimadda dalka Itoobiya ee Adis-ababa wefti uu hoggaaminayo Wasiirka wasaarada Duulista hawada Iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Md. Axmed Dalal Faarax.

 Weftiga Somaliland waxaa Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee dalka Itoobiya iyo la-taliyihiisa gaarka ah waxayna labada dhinaca isla garteen in ay labada wasaaradood sii adkeeyaan xidhiidhkooda, maadama oo wasaaradda Duulista ee Somaliland ay weli curdin tahay, wasiirku wuxuu ballan qaaday in uu la shaqayn doono hay’adaha Duulimaadyada Itoobiya, isla markaana uu ka taageeri doono tayada iyo tababarada shaqaalaha.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Axmed Dalal Faarax waxay la kulmeen Madaxa iyo Ku Xigeenka Shirkadda Dayuuradaha ee Ethiopian Airlines iyo Agaasimaha Guud ee Ha’aydda Duulist Hawadda ee Ethiopia, waxayna wada hadal la yeesheen masuuliyiinta ugu saraysa shirkada dayuuradaha ee Ethiopian Airlines, Warsaxaafadeedku waxa uu xusay inay isla falan qeeyeen arrimo badan oo muhiim u ah xidhiidhka labada dal iyo dhinaca duulimaadyada.

Ugu danbayntiina waxaa la isla afgartay in dib loo bilaabo duulimaadyada labada dal si loo meel mariyo heshiishkan, sidoo kalena waxaa la is la gartay in shirkada Ethiopian Airlines, ay muddo laba todobaad gudahood ah ay ku soo dirato wefti sameeya qiimaynta ugu danbaysa ee ay ku wada shaqaynayaan labada dawladood ee Somaliland Iyo Itoobiya.

Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi waxay sidoo kale guriigiisa ku booqdeen danjiraha dalka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, waxayna labada dhinaca ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo mashaariicda ay dawlda Ingiriisku ka waddo madaarka caalamigaah ee Igal International Airport iyo madaarka Berbera, kulankaasina wuxuu ku soo dhamaaday isfaham waxaana kulankan safiirka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan safaarada Ingiriiska ee Adis-ababa.

Gabo gabadii waxaa Warsaxaafadeedkan lagu sheegay in Wasiirka Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Axmed Dalal Faarax ay  la kulmeen aggaasimaha Guud ee hay’adda Duulimaadyada Itoobiya waxayna isla garteen in deeqo waxbarasho loo diyaariyo shaqaalaha wasaarada Duulista ee Somaliland, si dhakhso ahna loo qorsheeyo baahiyaha tababarada ugu muhiimsan.”

 SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed