Magaalada Burco oo lagu soo bandhigay Qorshe kor loogu qaadayo Fayo Dhawrka
Burco April 17,2012(SDN)-Kulan Balaadhan oo lagaga hadlayo sidii loo horumarin lahaa fayo dhawrka iyo Nadaafada Deegaanada Gobolka Togdheer,Muddada labada sanadood ah ee soo socda,ayaa maanta lagu qabtay Huteel Cigaal ee Magaalada Burco.
Kulankan oo ay si wada jir ah isaga kaashadeen wasaarada Caafimaadka Somaliland ,Hay’ada UNICEF,iyo Hay’adaha Ka Howlgala Dhinaca Nadaafada,ayaa ujeedadiisu waxa ay la xidhiidhay sidii loo diyaarin lahaa Qorshe lagaga Howlgalo Adeegyada Fayo-dhowrka Iyo Nadaafada ee labada Sanadood ee soo fool leh, oo ku wajahan Deegaanada Gobolka Togdheer,kaas oo ka turjimaya baahida Wax ka qabashada Nadaafada.
Agaasimaha Waaxda Caafimaad ee wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr.Cali Sheekh,oo Kulankaasi ka hadlay ayaa Xusay In wasaaradu ku talagashay Habkii loo qaabili lahaa qorshahan,isla markaana looga Midhi dhalin Lahaa waxqabadka, Dhinaca Fayo-dhawrka ee Hay’adaha Wadaniga ahi Ku Hawlan yihiin, Waxaa kale oo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Wasaarada Caafimaadku intaas ku daray in bulshada looga baahan yahay sidii ay xili roobaadkan uga taxadiri lahaayeen xannuunada faafa .
Kulankan oo socon doono Muddo Shan Maalmood ah ayaa ka qayb galayaashu waxay si Mug leh u darsi doonaan, Baahida Rasmiga ah ee Nadaafada Bulshada iyadoo Gabgabada Shirkana la samayn doono,Socdaalo lagu Marayo Deegaanada kala duwan Gobolka Togdheer,Kuwaasoo ku la xidhiidha sidii Xog ogaal loogu noqon lahaa xaalada Nadaafada Deegaanadaasi.
SDN-Burco