Maxaad Ka Ogtahay Calaamadaha uu Ku Caanka Yahay Siilaanyo
Maxaad Ka Ogtahay Calaamadaha uu Ku Caanka Yahay Siilaanyo. Axmaqnimo aanu Nina U Nixin, Danayste, Abaal-Laawe, Fuley.
Looma Dooran Axmed Siilaanyo Jacayl, Loo qabo oo La Jecel yahay, Waxaa Loo Doortay Ka Maarmi Waa, dadka badankiisu Waxa ay u Doorteen Sidii Foosha Xumayd ee Riyaale ula Dhaqmi Jirey, Taas oo Siilaanyo Ka Dhigtay Victam, ama Nin La Xumeeyey, Taasina ay ka liftay in dadkii Shacabka ahaa ay Dhaaheeyaan ninkaa la Xumeeyey Voodkoodana ay Siiyaan.
Tusaale: Anigu aad ayaan ugu Xumaaday Markii Shaqada uu iska hortaagey Xaaska Siilaanyo Madaxweyne Riyaale Sidaas ayaanan Vootkayga Ku siiyey.
Taariikhda Sooyaalka ah ayaa Qoraysa, Calaamadaha uu Siilaanyo Ku Caanka Yahay. Taariikhda ayaa ah Buug, ama Diiwaan aan Qaldamain ah, Waxaa dhamaantiinba igu wada raacaysaan in Siilaanyo Leeyahay Calaamadahan Hoos ku Qoran
- FULEY,Nin Baqa oo aan Geesi ahayn, Waxaana Taa ka Marag kacaaya Saraakiishii SNM. Waa Ninkii Diidey Inuu Saxeexo Dib u galkii dalka,ee London u Soo Carary.
- Bakhayl.Siilaanyo Agtiisa waad ku Bakhtiyaysaa, Biyo Iyo Cuntana Midna Kaa Dhergin maayo. Waydii Saaxiibadii SNM.
- Danayste.Waa bartii yaqaan gala Halka dantiisu taal, oo aan eegin danta walaalkii iyo Ta Dalka Midna, waxaa taa ka markhaati Furaaya Mucaaradadii Macangagnimada ahay ee uu kala Hor yimi Riyaale, Isaga oo aan eegaynin maatada Gaajoonaysa in Dawladu wax u qabato, eeCunaqabatayn meel walba kaga sameeyey, Gaar ahaan Intaranational Donareska, Axmed Siilaanyo Xitaa ma uu siin Riyaale 1 Day Marka Isaga wali aanu Arkin wax mucaaradada oo weyn oo ka hor timaada.
- Cadow aan damqan:ma yaqaan Axmed Siilaanyo, Hooyo, Adeer Walaal, Tol Qaraabo Nina Uma Naxo Waxa uu Yaqaanaa Dantiisa oo keliya.
- DIctotor: Kaligii taliye Ma cangag ah ooTalidiisa mooyee Mid kale aan eegin, Khiyaameeye Bulsho, Nin Daacadnimada aad uga Fog, Turxaan Fidiye Godob reeba, oo godobta iyo Tuhunta, uu dhigaa ay qarniyo Qaadato, iyo Nacas Nisiib Badan intaba wuu yahay Axmed Siilaanyo,
- Wax Intaa u Waheliya inuu yahay Qabiilayste ADan Madoobe ay Qabyaaladiisu soo Joogto.
Waxa maanta Bilaabantay Mucaaradadii dhabta ahayd ee lagag hortagaayey Axmed Siilaanyo Waa in aynu Ka hortagnaa inta aanu halkaa inala dhaafin Waqtigii Honeymoonku wuu dhamaaday.
dadka Somaliland joogaa waxa ay ila qabaan karaha aan karhay, karahaygana waa dareenka aan ku cabiri kari Sida uu ula Dhaqmay Ina Cabdi qadir aniga oo aan ninkaa aqoon isla markaana aan ahayn Qabyaaladiisa.
Xasuus: Siilaanyo Qirinqiirka ku Waereegsan waa Qaar aan dareen lahayn oo iska Cunaaya macaankooda.
Cabdi Qadir Jama Ismail Dacar USA Ca.
Political Science Educator.
Gobanimodoon@sbcglobal.net