|

Morosini oo Afweynta Darsadey Akhirana u Hayaamey.

Italy-April-16-2012-qurbejoog.com-Akhyaartay qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku eegeynaa ciyaaryan reer itaaliya ah oo afweynta darsadey isaga oo ciyaaraya aakhirana u baqooley.

Saaxiibayaal ciyaaryahankan oo lagu magacaabo Livorno”s PiermarioMorosini ayaa Aabihiis ,Hooyadiis,Bakhtiyeen,Walaalkiisna wuu isdaldaley,markaana Morosini ma gaadhin 15-iyo toban jir walaashiina waa Curyaan (Disable) masuulayadeedana isaga ayaa qaatey.

Morosini ayaa ciyaarta q1aybteedii hore daqiiqaddii 31-aad Afweynya u dhacay dhawr jeerna isku dayey inuu kacow laakiin tii rabbi ayaa u timid laguna sababay inuu wadnahu istaago kana shubey.

Wax kasta ayaanu isku deyney si aanu u badbaadino sidaana waxaa warirayaasha u sheegey Doctor LenardoPaloscia,Doctor Kale oo ku sugnaa Pescara Hospital ayaa sheegey Morosini markii cisbitaalka la keeney ayey naftu ka haadey.

Ciyaarta oo ahayd Seria-B- ayaa Morosini iyo kooxdiisu ku hogaaminayeen 2-0,wixii intaa ka dmbeeyey Xiriirka kubadda cagta ee talyaaniga waxaa ka soo yeedhey in ciyaaraha wiikaas dhacaya la joojiyo baroor diiqna loo sameeyo Morosini.

Bishii aynu soo dhaafney ayey ahayd markii ciyaaryahankii dhexda ugu ciyaarayey Naadiga Bolton  Fabrice uu isna afwey6nta u dhacay laakiin wuu ka soo kabsadey caafimaadkiisuna wuu fiicanyaha.

W/D Jaahuur

qurbejoog.com

 

Comments are closed