|

Xaflad balaadhan oo lagu sii sagootinayey Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo London lagu qabtay

 

 

London 16/04/2012) Xaflad aad u balaadhan soo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sii Sagootinayey Gudoomiyaha Xisbiga Mucaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali (Warabe) ayaa lagu qabtay Hilton Olympia ee galbeedka magaalada London.

 

Xafladdan oo si weyn loo soo abaabuley ayaa waxaa ka dhex muuqdey Bulshada Qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarada ,haween weynaha iyo waxgaradka bulshada Somaliland ee wadanka uk iyo marti sharaf kale oo farabadan.Oo lagu soo casuumeyxafladdan.

 

Waxaa sida cadaadu aheed isla markiiba lagu furey xafladda aayadahii qur,aanka kariimka ah waxaana akhriyey Abdalle Saalim.

Ka dibna waxaa si rami ah u furmey xaflada waxaana ka Hadley xidhiidhiyaha xaflada Abokor Mohamed) isaga oo dadka xaflada ka soo qeyb galey mahadnag aad iyo aad u badan uga mahad celiyey dadweynaha sida wakhtigooda qaaliga ah u soo hureen Habeenka caawa ah.

Xafladan waxa soo abaaabulay kana soo shaqeeyay Garabka Haweenka UCID ee Yurub. Xoog Hayaha Haweenka eeucidSaynab xaaji Gaydh ayaa halkaas ka jeedisay qudabadii Taariikhiya oo ay tidhi waxaan xalfladan ugu talo galnay soo dhoweyn iyo sii sagootin gudoomiyaha Xisbiga (UCID) isaga oo inaga dhoofay oo dalkii dib ugu laabanaya isaga oo ku sugnaa dalkan aynu joogno ee uk. Waxaa kale oo iyana madasha ka hadashey Garabka Haweenka ee Yurub marwo Amina Ismail Cubule kana war bixisey waxqabadka Xusbiga UCID ee Yurub.

Xafladan oo uu hageyey Abokor Mohamed ayaa mikiroonka ku soo dhoweyay xubno badan oo ka tirsan madaxda Xusbiga UCID iyo jaaliyada ku dhaqan London sida,Xoghayaha Arimada Dibada uu ucid Mohamed Harun Biixi ,Gudoomiyaha Yurub ee ucid Foosi Haji Yusuf. 

 

Waxaa lagu soo dhaweeyey Micri foonka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Warabe ayaa isaguna halkaas ka jeediyey qudbad aad iyo aad u qiimo badnayd iyo mahadnaq, isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay Hablihii isku hawlay ee soo qabnqaabiyey xafladan quruxda badan. 

Waxaa kaloo xaflada ka dhex muuqatey Nimco Yasin Caraale iyo Yusuf Dheere oo heeso wadaniya iyo jaceylba ka qaadey madasha.

Xafaladu waxaay ku dhamaatay jawi farxadi ku dheehan tahayiyadoo dhamaan maamulkaiyo Garabka Haweenka ucid ee uk ay u mahad celiyeen dad weynihii xafladaa ka soo qeyb galey oo dhan iyo tv hctv oo isna madasha ku sugnaa.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed