|

Nuxurka furitaanka dacwaddii saaka ee masuuliiyiinta loo haysto musuqa

Hargeysa, 16, April 2012 (SDN)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa saaka si rasmi ah u furtay dacwada saddex masuul iyo laba qof oo kale oo u xidhnaa muddooyinkii u dambeeyay eedaymo musuqmaasuq.

Dhamaan wadooyinka soo gala xarunta maxkamadda Gobolka ayaa saaka la dhoobay ciidamadda ammaanka, iyadoo dhamaanba laga xidhay gaadiidka iyo dadweynahaba, waxaana abaaro 8:30 AM la keenay maxkamadda saddexdii ee loo xidhay eedaha musuqmaasuq, iyadoo loo ogolaaday inay galaan maxkamadda ehelada masuuliyiintaas, halka laga horjoogsaday dhamaan warbaahinta dalka.

Abaaro 10:00 AM ayay bilaabantay dacwada masuuliyiinta, waxaana ugu horeyn madasha maxkamadda looga yeedhay hal markhaati oo ka mid ah ciidadamada Booliska, isla markaana ka mid ahaa guddidii loo saaray baadhista arrintan, waxaanu si qoto dheer uga warramay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay mucaawinadii masuuliyiintan lagu eedeeyay inay lunsadeen, waxaanu tilmaamay inaanu shaqsiyan aanu waxba ka ogayn lunsi ay masuuliyiinta la eedeeyay ay kula kaceen mucaawinadaas, isagoo xusay in agaasimihii guud ee Wasaaradda dibu-dejintu uu isagu fududeeyay in raashinkaas mucaawinada ah loo raro mid ka mid ganacsatada u xidhan falkan.

Sidoo kale, waxay xeer ilaalintu keentay soo gudbisay laba markhaati oo iyaguna kala shaqsiyaad ka shaqeeya dekedda Berbera, kuwaasoo iyaguna aan wax badan ku darin sidii markhaatigii hore sheegay.

Ugu dambayntii qareennada u dooddaya masuuliyiintan xidhan oo warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee Maxkamadda ayaa sheegay in maxkamaddu ay saaka u dhacday qaab wanaagsan, isla markaana waxay u mahadceliyeen guddoonka maxkamadda.

“Dacwadu manta waxay u socotay si fiican, runtii anagoo ah qareennadii u dooddayay nimanka masuuliyiinta ah si fiican oo haboon ayay anaga manta noogu dhacday waxaananu aaminsanahay, isla markaana aanu rajanaynaa inay habkaas dacwadu u socoto, waxaananu u mahadnaqaynaa guddoonka maxkamadda.” Sidaa waxa yidhi Qareen Maxamed Saalax oo ka mid ah qareennada u dooddaya masuuliyiinta. “Waxyaabaha lagu eedeeyayna waxa ugu wayn musuqmaasuq hore loo ogaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhegaysiga labaad ee dacwadan saddexdan masuul ee eedaysaneyaasha ah, waxa loo muddeeyay maalinta Sabtida todobaadka soo socda.

SDN, Hargeisa

Said8090@gmail.com

Comments are closed