Hargeysa: Masuuliyiin bil iyo maalmo eedaymo Musuqmaasuq u xidhnaa oo saaka Maxkamad la horgeeyay
Hargeysa , April 2012m (Qurbejoog.com)- Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa maanta gudo gashay dacwada saddex masuul oo muddo bil iyo maalmo ah u xidhnaa eedaymo musuqmaasuq oo la xidhiidha lunsiga raashin deeq ah.
Saddexdan masuul oo kala ah; Guddoomiyihii gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdullaahi (Xamarje), Agaasimihii hore ee wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi iyo lataliyihii Madaxweyne kuxigeenka Cusmaan Siciid Jaamac, waxa loo xidhay inay leexsadeen raashin deeq ah oo dad danyar ah ay dawladda Cumaan ugu deeqday, iyadoo maalintii la xidhayna uu Madaxweynaha Somaliland ka xayuubiyay xilalkii ay qaranka u hayeen.
Saddexda eedaysane waxa hoolka Maxkamadda la geliyay abaaro 8:00 subaxnimo, iyadoo ciidan tiro badani gaadh ka hayaan amaanka agagaarka dhismeyaasha ay ku jiraan Maxkamaddaha hoose ee Hargeysa. Ciidanka amaanku waxay warbaahinta la horjoogsadeen inay goobjoog ka ahaadaan dhegaysiga dacwaddaas, ka dib markii wasiirka Daakhiligu amar ku bixiyay in aanay Suxufiyiintu gelin.
Dawladdu waxay hore u sheegtay in dacwadu noqon doonto mid furan, waxaana guuldaraystay dedaal uu Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Mr. Xasan Axmed Aaden ku doonayay in suxufiyiinta loo ogolaado dhegaysiga dacwada, ka dib markii uu ka horyimi Hoggaanka Hawlaha ciidanka Booliska Somaliland Mr. Maxamuud Ducaale oo sida la sheegay taliyuhu amarka joojinta suxufiyiinta soo siiyay. Ciidanka amnigu waxay xidheen jidadka soo gala dhismeyaasha Maxkamada, iyadoo amniga si aad ah loo adkeeyay.
Wax yar ka hor (9:30) waxa hoolka dacwadaha ee Maxkamadda gobolka Hargeysa ka bilaabmay dhegaysiga dacwadan oo in muddo ah la sugayay, iyadoo ay goobjoog yihiin ilaa 22 qof oo markhaatiyeyaal ah, qareeno dhawr ah oo difaacayay eedaysanayaasha iyo qoysaska saddexda eedaysane.
La soco war faahfaahsan oo ku saabsan dacwadan
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com