Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo la socday in xilka laga xayuubinayo,iyo talooyinka uu ka dhego adeygay
Hargeysa April 16,2012(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga Kulmiye Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa intii lagu guddo jiray qaban qaabada shirweynaha xisbiga waxa loo jeediyay talooyin dhawra oo uu gidigood ku gacan seyray.
Sida ay dhawr ruux oo ka mida xisbiga Kulmiye Somaliladiasporanews u xaqiijiyeen Md Cabdiraxmaan waxa loo bandhigay si xilka uu u sii hayo in uu raali gelin ka bixiyo eedo dhawr ahaa oo uu madaxweyne Axmed Siilaanyo hore ugu jeediyay.
Waxa kale oo Guddomiyaha lagula taliyay in uu hadaba iscasilo bacdamaa xilka laga qaadayo,taana waa uu diiday.
Ugu danbeyntii waxa lagula taliyay in aanu madasha ka soo xaadirin si markaa aanu weji gebax madasha ugala caraabin.
Waxaase talooyinkaa seegay Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir seegay isku fuuqsaday axmaqnimada madaxdii iyo xubnihii xisbiga talada haya ee goobta ku sugnaa ee fool xumadii halkaa ka dhacday aan ka damqan oo aan faro gelin xaalada.
Bal Hadii mudanaha hadalka la siin lahaa deetana xilka cod looga qaadi lahaa wejigebaxaa la islama gaadheen.
SDN-Hargeysa