|

Jabuuti oo lagu heysto in ay gacan ka siisay Iran in hub loo raro Siiriya

Jabuuti April 16,2012(SDN)-Saraakiisha dalka Jarmalka ayaa baadhaya Markab dalkooda laga leeyahay oo Hub Jabuuti uga rara dawlada cunaqabadeyntu saadhan tahay  ee Siiriya,sidaa waxa daabacay barta Internetka ee Der Spiegel.

Sida la daabacay Markab ka diiwaan gashan Dalka Jarmalka oo la yidhaahdo the Atlanta Cruiser ayaa Hub ka soo raray Jabuuti deetana u jiheystay Siiriya.

Markabka ayaa dhanka Turkiga u jiheystay kolkii uu dareemay in la ogaado halka uu ku socdo iyo xamuulka uu sido.

Markabka ayaase ku hakaday meel 80 mile u jirta magaalada xeebta ah ee Tartus oo ku taal koonfur galbeed Siiriiya oo ah halka xamuulka lagu waday.

Wasiirka Ganacsiga Jarmalka ayaa sheegay in ay baarayaan in xamuulka saaran markabka uu jebiyay cunaqabateynta hubka ee Siiriiya.

Sidoo kale waxa la baadhayaa doorka Jabuuti ka ciyaartay hubkan dalkeeda loo mariyay Siiriya.

Iran ayaa la tuhunsan yahay in hubkan ay ku waday dalka ay saaxiibka yihiin ee Siiriya.

Shirkada Jarmallka ee leh markabka oo la yidhaahdo Bockstiegel ayaan ilaa iyo haatan wax hadal ah ka soo saarin dhacdadan.

Xukuumada Jabuuti ayaa sidoo kale aan ilaa iyo haatan ka hadal markabkan lagu muransan yahay xamuulka uu sido.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed