Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay Ganacstada
Hargeysa April 15,2012(SDN)-Madaxweyne ku xigeenka jsl mudane c/raxmaan c/laahi ismaciil saylici oo uu weheliyo wasiirka wasaaradda ganacsiga c/risaaq Md khaliif ayaa maanta ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen xubno ka mida ganacsatada dalka oo lagu qabtay huteel maansuur ee magaalada hargeisa.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee solna ulan kan oo ay kasoo qeyb galeen hay’adda “KBMG” oo ah hay’adda ka shaqeysa horumarinta adeegyada Africa, islamarkaana u diyaar ah inay maagalin ku samayso ganacsatada Somaliland.
Wasiirka wasaaradda ganacsiga Md C/risaaq Khaliif oo halkaasi ka hadalay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hay’adda , maadaama ay waddamo badan oo African ah ay ka hawlgasho.
Madaxweyne ku xigeenka jsl mudane C/raxmaan c/laahi ismaaciil saylici oo a hdlay halkaasi ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo dhmaan cidda soo agaasintay kulankan , waxaanu intaa kud aray in ay tahay fursad waxbadan ka tari doonta dh aqaalaha dalka , islamarkaana dawlad ahaana ay soo dahweynayaan in kor loo soo qaado waxsoo saarka dalka.
Madaxweyne ku xigeenku waxa sidoo kale uu u mahadcelin u soo jeediyey ganacsatada dalka oo sheegay in dadaal xoogan ay soo galeen, waxaanu gabagabadii uu sheegay in mashruucani uu kaabi doono dhaqaalaha dalka.
SDN-Hargeysa