Markabkii laga afduubay ganacsatada Somaliland oo madax-furasho lacageed lagu soo furtay
Hargeysa 12, April 2012 (Qurbejoog.com)- Markab tan iyo badhtamihii bishii February ay haysteen koox Budhcad-badeed reer Puntland ah, ayaa la sheegay in shalay lagu sii daayay madax-furasho lacageed.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan ka soo baxay shirkadda Al-Hafouf ee UAE oo leh Markabkaas iyo ganactada uu u rarnaa midna, haddana siday wararku sheegeen waxa markabkaa lagu sii daayay lacag dhawr boqol oo kun oo doolar lagu sheegay oo ganacsatada reer Somaliland ee uu u rarnaa qaadhaameen.
Markabkan waxa 16-kii February 2012 laga afduubay badda dalka Cumaan, xilli uu u soo jeeday dekedda Berbera oo ah ta uu ku tiirsan dhaqaalaha ugu badan ee Somaliland.
Warku wuxuu intaa ku daray, in madax-dhaqameedyo, ganacsato iyo waxgarad kale oo reer Puntland ah, gaar ahaan Boosaaso ay dedaal ka galeen siidaynta markabkaas.
Markabkan oo lagu magacaabo MV Leila, waxa uu noqonayaa kii u horeeyay ee dad Soomaali ah u rarnaa ee madax-furasho lacageed ay ku sii daayaan Budhcad-badeeda Soomaalidu tan iyo markii uu qawlaysigoodu bilaabmay 2008.
Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidho masuuliyiinta rugta Ganacsiga Somaliland, noomay suurtogelin in aanu khadka telefoonka ku helo.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com