|

Guddoomiye Tarzan oo la weeraray

Muqdisho April 12,2012(SDN)-Gudoomiyahay Gobolka Banadir Maxamed Nuur Tarzan ayaa maanta lagu weeraray degmeda CabdiAziz ee isla gobolka Banadir.

Weerarkan oo Dhawaaca ilaa shan ka mida dhinacyadii dagaalamay sababay ayaan wax war ahi weli ka soo bixin.

Ciidamada soo weeraray Gudoomiye Tarzan ayaase la sheegay in ay yihiin qaar ka amar qaata guddomiyaha degmeda Cabdiaziis.

Ma cada sababta keentay dagaalka balse hadal heynta ayaa u badan in Md Tarzan ayaa damacsanaa in guddomiyaha degmeda Cabdicaziiz in uu xilka ka qaado.

Guddoomiyaha Cabdicaziiz ayaa la sheegay inaanu ku qanacsaneyn in xilka laga qaado.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed