Wakiilka Xafiiska Hay’ada Save the Children ee Somaliland ayaa Maanta deeq ku wareejiyay Hay’ado dhawr ah
Hargeysa April 11,2012(SDN)-Wakiilka xafiiska Scf ee Somaliland Maxamud Maxamed Xasan ayaa Maanta Computero iyo agab kale oo xafiis ku wareejiyay Komiishanka Xuquuqul iinsaanka Qaranka,Xarunta Agoomaha ee Hargaysa iyo Xeer ilaalinta Guud.
Wakiilka Xafiiska Hay’ada Save the Children ee Somaliland Maxamud Maxamed oo ka hadlayay munaasibada Wareejinta agabkan kala duwan ayaa sheegay in Qalabkani uu wax weyn ka tarayo Baahiyaha Shaqo ee sadexdaas xafiis oo ay wada shaqayni ka dhaxayso sida uu Xusay,Waxaa kale oo Wakiilkani intaas ku daray in hay’ad ahaan ujeedada ay qalabkan ugu deeqeen Komiishanka Xuquuqul iinsaanka Qaranka,Xarunta Agoomaha iyo Xeer Ilaalintu uu la xidhiidho kaalinta ay ka qaataan arrimaha caruurta gaar ahaan dhinacyada Daryeelka iyo noloshooda,Mas’uulkani waxaa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay in deeqdani aanay ahayn tii u horaysay ee ay soo gaadhsiiyaan Sadexdan Xafiis.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Komiishanka Xuquuqul iinsaanka Qaranka Aamina C.laahi Axmed,Gudoomiye ku xigeenka Xarunta Agoomaha ee Caasimada Hargaysa Canab Xasan Nuur iyo Madaxa Maamulka ee Xeer ilaalinta Guud Maxamed Aadan Muxumed oo dhamaantoodba u mahadceliyay hay’ada Save The Children ee deeqdan soo gaadhsiisay taas oo wax weyn ka taraysa baahiyaha xafiisyadan oo ka hawl gala arrimaha Caruurta.
SDN-Hargeysa