Shirweynihii 1-aad ee Urur siyaasadeedyada Xaqsoor,Dalsan,Badbaado iyo Nasiye ayaa Maanta ka furmay Magaalada Hargaysa
Hargeysa April 11,2012(SDN)-Shirweynihii 1-aad ee Urur siyaasadeedyada Xaqsoor,Dalsan,Badbaado iyo Nasiye ayaa Maanta ka furmay Magaalada Hargaysa kuwaas oo qaarkood lagu doortay hogaanadooda rasmiga ah.
Shirweynaha Urur siyaasadeedka Xaqsoor oo ka furmay huteelka Xaraf waxaa ka hadlay Gudoomiyaha ku meel gaadhka ee urur Siyaasadeedkaas Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir oo ka waramay ujeedooyinka ururkan ay u aasaaseen iyo in uu yahay mid u dhexeeya ummada Somaliland,waxa uu Gudoomiyuhu u mahad celiyay taageerayaasha urur siyaasadeedka Xaqsoor ee sida weyn uga qayb qaatay Qaatay hawshii madax taabashada Kunka Qof .
Gudoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor waxaa kale oo uu iftiimiyay mabaa’diida bud-dhiga u ah urur siyaasadeedkan oo ay ka mid tahay ku dhaqanka diinta Islaamka,distoorka,shuruucda iyo dhaqanka Wanaagsan ee Ummada Somaliland .
Waxaa kale oo halkaasi hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah ergooyinkii ka qayb galay shirweynaha urur siyaasadeedka Xaqsoor .
Cali Maxamed Warancade,Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo ka mid ah Madaxda Xisbiga Udub iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan golaha Wakiilada ayaa soo dhaweeyay Qabsashada ururada siyaasada ee Shir weynahooda 1aad iyagoo ku booriyay inay ka dhabeeyaan waxyaabaha ay ummada u bandhigayaan .
Waxaana Madashaas lagu doortay Gudida maamulaysa habsami u socodka hawlaha shirweynaha isla markaana waxaa ergada loo qaybiyay xeerka urur Siyaasadeedka Xaqsoor.
Dhinaca kale Waxaa huteelka Ambassador ka furmay Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Badbaado kaas oo ay ka qayb galeen boqolaal ka mid ah ergooyinka ka qayb qaadanaya kuwaas oo ka kala yimid gobolada iyo degmooyinka dalka .
Cabdi rashiid Macalin Muuse oo ku hadlayay afka gudida qaban qaabada Shirkan ayaa ka waramay qaabka ay u soo agaasimeen shirweynahan ururka badbaado,waxaana markaas kadib lagu ansixiyay ajandaha shirka, iyo Sharciyada urur siyaasadeedka Badbaado kaas oo ay ergooyinku ku meel mariyeen cod gacan taag ah,waxaa kale oo lagu ansixiyay boqol iyo labaatan xubnood oo ka mid ah oo golaha dhexe ee urur siyaasadeedka badbaado oo ay Sodon ka mid ahi yihiin haween.
Waxaa kale oo shirweynahaas lagu doortay hogaanka sare ee ururkaas iyadoo Gudoomiye loo doortay Sh.Maxamed Cali Geedi,halka Gudoomiye ku xigeenka 1-aadna loo doortay Dr Axmed Aaden Buuxane iyadoo Gudoomiye ku xigeenka 2aadna loo doortay Jamaal Jaamac Axmed,halka Xoghayaha Guudna loo doortay Maxamed Isxal,Sidoo kale waxay ergadu u doorteen Ergada Golaha Dhexe Xaaji Shide Xaaji Diiriye “Shide yare”.
Waxaa gabo gabadii Shirweynaha 1aad ee urur siyaasadeedka Badbaado hadalo kooban oo mahadcelin ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkaas Sh.Maxamed Cali Geedi iyo ku xigeenkiisa Kowaad Dr Buuxane oo ilaahay ka baryay inuu ku soo asturo xilka culus ee loo igmaday waxaanay balanqaadeen inay hawsha ay mas’uuliyadeeda qaadeen ay si firfircooni leh uga soo bixi doonaan.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Salaadiin,Aqoonyahano,dhalinyaro,iyo haween.
Geesta kale Shir-weynihii ugu horeeyey ee Urur Siyaasadeedka Dalsan ayaa Maanta ka qabsoomay Hotelka Crown ee Magaalada Hargaysa.
Shirweynahan ayaa waxa ka soo qayb-galay in ka badan Afar Boqol oo ergo oo ka kala socday gobolada dalka oo dhan, Afhayeenka guddida diiwaangalinta Ururada siyaasada Xasan Macallin , siyaasiyiin iyo Marti sharaf kale .
Ugu horeyn Shir-weynaha ayaa waxa laga dhex doortay guddida shir-guddoonka shirweynaha ururka oo ka kooban shan xubnood waxaana ay bilowgiiba guddo galeen ansixinta iyo meel marinta dastuurka ururka oo ergadii shir-weynaha ku suqnayd ay duuduub ku Ogolaadeen .
Intaasi ka dib waxa la guddo galay doorashada hogaanka urur siyaasadeedka Dalsan waxaana ugu dambayntii Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka loo doortay in uu ahaado Ismaaciil Aadan Cismaan halka guddoomiye ku xiggeenka Koowaadna loo doortay Sacad C/raxmaan Qaadi , Guddoomiye ku xiggeenka Labaadna waxa loo doortay C/casiis Cali Jaamac , Halka Sidoo kalena Xoghayaha Guud ee Ururka Dalsan loo doortay Maxamed Yuusuf Cali dhamaanba Xubnahaasi loo doortay hogaanka Urur Siyaasadeedka Dalsan waxa si Dhamaystiran ku ogolaaday ergadii shirweynaha .
Guddoomiyaha Ururka Dalsan horena u ahaa guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee ururkaasi Ismaaciil Aadan Cismaan oo ka hor intii aan loo dooran guddoomiyaha rasmiga ah ee ururka dalsan hadal ka jeediyey shir-weynaha ururkaasi ayaa waxa u mahadnaqay ergooyinkii ka soo qayb-galay shir-weynaha koowaad ee ururka dalsan, waxa geesta kale uu wax lagu farxo ku tilmaamay sida ay guddida diiwaan-galinta Ururada siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta qaran ay uga soo dhalaaleen hawlihii loo xilsaaray , geeta kale oo uu mahadnaq aad u balaadhan u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xukumadiisa oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwii hormood ka ahaa in la furo ururada siyaasada iyagoo ka duulaya xuquuqda uu qofka muwaadinka ahi u leeyahay in la doorto waxna uu doorto
Waxa kale oo intii uu shirweynaha ururka dalsan socday laga akhriyey dastuurka Ururka kaas oo ay saldhig u tahay ilaalinta Midnimada Shacabka Somaliland iyo Horumarinta adeegyada kala duwan ee bulshada Somaliland u baahan yihiin .
Shirweynahan Urur Siyaasadeedka Dalsan ayaa maalinta bariya la soo gabagabayn doonaa .
Dhinaca kale waxaa Maanta Huteelka Crown lagu soo gabo gabeeyay Shirweynihii 1aad ee urur Siyaasadeedka Udhis waxaanay ergadii ka qayb gashay ugu doorteen Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Udhis Mujaahid Ibraahin C.laahi Xuseen Dhego weyne, halka Gudoomiye ku xigeenka 1aadna loo doortay Ibraahin Aamin Gadiid iyadoo Gudoomiye ku xigeenka labaadna loo doortay Cali Maxamed Qoorseef iyo Xoghayaha Guud ee Urur siyaasadeedka udhis oo loo doortay Siciid Xaaji Axmed Qulunbe.
Waxaa kale oo ergadu ku ansixiyeen barnaamijka ururka iyo tirade Guud ee xubnaha Golaha dhexe oo loo qoondeeyay inay noqdaan 120 xubnood.
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Udhis Mujaahid Ibraahin C.laahi Xuseen Dhego weyne, oo gunaanadkii Shirweynahaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaanba ergooyinkii ka qayb qaatay shirweynaha 1aad ee ururka Udhis waxaanu balan qaaday in si mas’uuliyadi ku jirto uu u gudan doono mas’uuliyada loo igmaday.
SDN-Hargeysa