|

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Taliyaha ciidanka Booliska oo booqday dugsiga tabobarka Ciidamada ee Mandheera

Mandheera April 11,2012(SDN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska C.laahi Fadal Iimaan iyo badhasaabka gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa maanta kormeer ku tagay dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Mandheera, halkaasoo uu tababar uga socdo sadex boqol iyo afar iyo lixdan askari.

Taliyaha ciidanka Booliska oo wasiirka  uga  waramayey xaalada guud ee  dugsiga tababarada ee Mandheera  iyo hawlaha hada  ka socda,  ayaa sheegay  in 364 Askari  ee tababarku  u socdaa ay u badan yihiim ardaydii  dugsiyada sare ka baxday , isla markaana ay u soo diyaar garoobeen  inay  ka mid noqdaan ciidamada  booliska Somaliland , si ay uga qaybqaataan  waajibaadka qaran ee ay ciidamadu u xil saaran yihiin. Taliyaha  ciidanka Boolisku  waxa uu ku waaniyay ciidamada tababarku u socday inay dhowraan Anshaxa iyo karaamada ciidannimo, isla markaana ay u diyaargaroobaan  sidii  uga qaybqaadan lahaayeen waajibaadka qaran ee ciidamada Somaliland  u darban yihiin.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland  Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur)  oo kormeer ku maray qaybaha dugsiga mandheera , ayaa sheegay in 364 Askari ee tababrka ku jira ka mid yihiin  soo Askari oo cusub oo xukuumadu  katala qaadatay inay  u dhamastirto , dayerlkooda  dieayokooda iyo hubkooda , isla markaana  loogu talo galay inay  ka qayb qaatan  dardargilinta iyo dib  u habaynta ciidamada Somaliland .

Waxaanu tilmaamay in xuliidii doonayo in booliska  lagu kerdhiyo dhalinyaro aqoonyahano ah , oo loo tababaro hogaaminta iyo xaajinta  ciidamada booliska , waxaanu ku ka dardaarmay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka  iyo sugida  ammiga .

Waxa kale oo halkaasi ka hadlo ka jeediyey madaxa tababarada dugsiga Mandheera C.laahi Budul Ibraahin iyo Bashiir C.laahi Xasan oo ah madaxa madaxa mashruuca dibu habaynta booliska iyo  masuulim kale.

SDN-Mandheera

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed