|

Ciidanka Yemen oo dagaal ka dhacay gobolka Abyaan ku dilay dagaal-yahano Al-Qaacida ah oo ka yimi dalal ay Soomaaliya ku jirto

Sanca 11, April 2012 (Qurbejoog.com/Bloomberg)- Ciidanka dalka Yemen ayaa Arbacada maanta dilay 10 qof oo looga shakisan yahay maleeshiyaadka Al-Qaacida.

Siday ku warantay wakaalada Bloomberg, maleeshiyaadkaas waxa lagu dilay dagaalo maalintii saddexaad ka socda magaalada dhinaca Koonfureed ee Lawdar ee gobolka Abyan, siday sheegtay wasaaradda Difaaca ee dalka Yemen.

Dagaal-yahano ajaanib ah oo ka yimi Sucuudi Carabiya, Soomaaliya iyo Pakistan, ayaa ku jira maleeshiyaadka ciidanka Yemen ku dileen dagaalkaas, siday wasaaradda Difaacu ku sheegtay barta ay ku leedahay Internet-ka.

Warku wuxuu intaa ku daray, in Emad al-Minshibi oo ah hoggaamiyaha al-Qaacida ee magaalada Lawdar uu ku jiro maleeshiyada la dilay, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Ugu yaraan 28 maleeshiyada ka tirsanaa iyo 3 ka mid ahaa shicib hubaysan oo taageerayay dawladda, ayaa ku dhintay dagaalkaa maanta ka dhacay magaalada Lawdar, siday dadka deegaanku sheegeen.

Dalka Yemen oo xuduud la wadaaga Sucuudiga iyo Cumaan, waxa uu u halgamayaa inuu ka soo kabto dibad-baxyadii wiiqay dawladda dhexe ee dalkaas, isla markaana yareeyay wax-soo-saarka Saliida qiyaastii kala-badh 250,000 (laba boqol iyo konton kun) oo Foosto awoodooda maalintii.

Qurbejoog.com, Sanca

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed