|

Golaha Guurtida oo fasax galay xilli ay dhamaatay muddo xilleedkii Goleyaasha Deegaanku

Hargeysa, 11, April 2012 (SDN)- Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland ayaa muddo-xilleedkii ay hore ugu kordhiyeen Golaha Guurtidu dhamaaday, kaasoo ku ekaa 7-dii bishan April, iyadoo Golaha Guurtiduna uu isla maalintaas fasax dheer galay.

Sharciyada muddo-xilleedka Goleyaasha Deegaanka ayaa sannado badan dhaafay waqtigii sharcigu siiyay, isla markaana ay kordhintooda sababayeen duruufo kala duwan oo dalku soo maray.

Golaha Guurtida ayaa sannadkii 2010-ka muddo kordhin u sameeyay Goleyaasha Deegaanka iyo labada Gole ee Baarlamaanka, isla markaana waxay Komishanka doorashooyinku u qoondeeyeen in la qabto doorashada Golaha deegaanka bishan April.

Haddaba iyadoo xilliga ay socdaan kala shaandhaynta Ururrada Siyaasadda ee ka qaybgalaya doorashada Golaha deegaanka, isla markaana ay gaadhay xilligii hore loogu qoondeeyay qabashada doorashadaas, waxa meesha ka baxay doorkii ay Golaha Guurtidu ku lahaayeen, iyadoo sida sharcigu dhigayo ay Madaxtooyadu ka codsanayaan, soo jeedina siinayaa Golaha Guurtida inuu muddo u kordhiyo Golihii uu xilku ka dhamaado, haddana isla maalintii uu dhamaaday xilka Goleyaasha Deegaanku ayuu fasax 45 maalmood ah galay Golaha Guurtidu.

SDN, Hargeisa

 


Comments are closed