|

Qaraxii Maanta Muqdisho iyo Tiiraanyada Bahda Ciyaaraha Soomaaliyeed

Muqdisho April 04,2012(SDN)-Waxa Maanta Mgaalada Muqdisho Qarax ismiidaamin ah ku geeriyooday Guddomiyihii Olypiga Soomaaliyeed iyo madaxa xiriirka Kubedda cagta Soomaaliya oo ka qeybgalayay munaasibad loo sameeynayay sanad guuradii kowaad ee TVga Soomaaliya.

Mudenayaasha ku geeriyooday qaraxa maanta ee Adan Yebaroow Wiish iyo Siciiid Mugaaanbi ayaa waxa si weyn uga naxay guud ahaan bahda Ciyaaraha Soomaaliyeed.

Masuuliyiintan oo taariikh fog ku leh ciyaaraha Soomaaliyeed ayaa ilaa haatan ku hawlanaa horumarinta Ciyaaraha Soomaaliyeed.

Bahda Ciyaaraha ayaa maanta qaraxyada ka dib isweydaarsanayay tacsi iyo tiiraanyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dilka wuxushnimada ah eeĀ  loo geysanayo bir ma geydada Soomaaliyeed.

 

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed