|

Mitt Romney oo noqonaya hogaamiyaha Xisbiga Jamhuuriga ee la tartami doona Obama

Maryland April 03,2012(SDN)-Tartanka Musharaxnimada madaxweynenimoee xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Mareykanka ayaa u muuqda mid soo afmeermaya,ka dib guul baaxad leh oo uu gaadhay Mitt Romney xalay.

Romney ayaa ku guuleystay tirada u badan ee xubnaha Jamhuuriga ee sadexda Gobol ee Wisconsin,Maryland iyoDC.

Musharaxa kale ee Santoroum ayaa u muuqda ruux aan quusan balse waxa dhawaan uu sheegay in uu quudareynayo in uu isla sharaxo Romney.

Welise fari kama qodna tirada guud ee lagu kala baxayo kolka la qabto shirweynaha xisbigaas ee dhawaanta furmi doona.

Musharixiinta Jamhuuriga ayaa u muuqda qaar aad ukala qeybsan oo aan u midoobi karin sidii xilka ay uga faro maroorsan lahaayeen Madaxweyne Obama.

SDN-Maryland

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed