Jabuuti oo hadal heynta furashada Axsaabta Siyaasadeed ku soo badatay
Jabuuti April 04,2012(SDN)-Jabuuti ayaa maalhii ina dhaafay waxa isa soo tarayay hadal heynta Siyaasiyiin dalkan ka caana oo damacooda siyaasadeed siiyay furashada ururo siyaasadeed.
Raga ugu cadcad in ay bedelaan madaxweynaha dalkan ee shaaciyay in aanu dib isu soo taagi doonin ayaa waxa ka mid ah Wasiiro hore iyo qaar dhawaan xilalkii laga qaaday.
Shacabka Jabuuti ayaa isweydiinaya sida damaca ragani mar qudha isu soo taray,tiyoon madaxweyneyaasha Africa looga baran ka dhabaeynta balan qaadyadooda siyaasadeed.
Madaxweynaha Jabuuti tiraba dhawr jeer ayuu xeerarka dalka wax ka bedel ku sameeyay si uu u meel mariyo rabitaanadiisa siyaasadeed.
Waxaana u danbeeyay tii dhawaanta uu ku bedelay xeerka tirada uu Madaxweynaha Jabuuti xilka isu soo taagi karo.
Ma cada sababta ragani la laabkacayaan kol hadii Madaxweynaha dabarka kol ore laga furay aanuna u muuqan ruux tegaya.
SDN-Jabuuti