Dr, Gaboose: Maxaa iiga Soo dhex Baxay Jawaabihii, Qoraalkii, Cinwaankiisu Ahaa Dr, Gaboose Hogaamiyaha Keliya ee Xilka ka qaadi kara halka Siilaanyo Kaga Tago
Marka Hore Waxa aan ahay Shiqsi Madaxbanaan ( Independent politician) oo Ka Madaxbanaan Qabyaalad, nin Jeclaysi, iyo Xusbiyaysiba.
Qoraalkii aan cabirtay Fakarkayga, Kaas oo aan ku bayaamiyey in Dr, gaboose Yahay Shiqsiga Keliya ee bedeli kara Axmed Siilaanyo ee Jooga Wadankii imunka , Qoraalkaas ayaa Waxaa iiga soo dhex Baxay Jawaabo badan.
Waa Marka Koowaad, Waxa Dhamaanba Akhristayaashii ay isku Raaceen oo aan Cidina ka Hor iman Weedhahan Hoos ku Qoran (The below statement is true.)
Marka Hore Aduunkan aad Arkayso ee ilaahay Sameeyey, Meel walba Waxa uu ku Manaystay Wax Gaar ah oo ilaahay Deeq, iyo Hibo, u siiyey, Tusaale: Dahabka Aduunka Ugu Wanaagsan Meel, gooni ah Ayuu ka Yimaadaa, Sida oo Kalena, Birta, Daimonta, Khudrada Xitaa Khamriga ama Bariiska, aduunka ugu wanaagsani waxa ay ka yimaadaan Meelo gaar ah oo ku amaanan ilaahayna Ku manaystay.
Sida oo kale Bugcadaha ama dhulka ilaahay uumay meel waliba Waxa ay ku caan tahay waxyaabo Gaara ah, Tusaale ahaan Bariga Somaliland Waa Bogcada ama dhulka soo saara ama soo carbiya Hagaamiyaasha Dhabta ah. Waxaanan idinka Xasuusin karaa Hogaamiyayaashaa ka yimi bariga Somaliland, Marxuun Cigaal oo ku dhashay kuna Barbaaray Degmada Oodweyne ee Gobolka Togdheer, Geesigii Waynaa Cabdi Raxman Tuur oo isna ka yimi Bariga Somaliland, Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo ayaa isna ka yimi Bariga Somaliland, Hadraawi iyo Waliba Saleebaan Nuur, ayaa iyaguna ka yimi bariga Somaliland, Dhamaan Hogaamiyayaashina Waxa ay wadaagaan oo ka wada Yimaadeen bariga Somaliland Gaboosana Waxa uu La HAL-MAALAA- Hogaamiyayaashaa Sare ku Xusan.
Qodabkan ayaa ah Mid la isku wada raacay oo aan Cidina ka Hor iman.
Jawaabaha Maqaaladii ayaa qaar badani ku adkaysteen in aanu Dr Gaboose, wax waayo aragnimo ah xilka u lahayn, isla markaana uu Labo Jeer Xilka Wasiirnimo iska Casilay , Hadii aan u Kala Jabiyo Jawaabaha Weedhahan laba qaybood.
Qaybta Koowaad oo ah Gaboose, wax waayo Aragnimo ah uma laha xilka,weedhan ayaa ah mid aan run ahay, (This statement is Untrue.) oo ka fog Xaqiiqda, Runta ah, Gaboose Waxa uu Ka ahaa Wasiir dawladii Siyaad bare, Waxa uu qayb ka soo Qaatay Halgankii SNM, Waxaana qayb aad u wayn oo wax ku ool ah ka soo qaatay Dibudhiskii Wadanka, Gaboose waxa uu Leeyahay Waayo Aragnimo labarbar dhigi karo Ta Madaxweyne Siilaanyo, iyo Saleebaan Nuur, Waxaanu Ka wada waayo aragsan yahay Wasiirada Dawlada Siilaanyo iyo Waliba Wasiiradii Riyaale Dhamaantoodba.
Dr Gaboose, Biladihiisa Hogaamiye waxa uu qaatay Markii Shanta Somaliya ay isu timi ee Wasiirku Lagu soo dooran jirey Milgaha Aqoonta, Karida, iyo Dadnimada.
Qodabka Labaad ayaa Odhanaaya Gaboose, Xilka Wasiirka arrimaha Gudaha ayuu laba Jeer iska Casiley.
Xilka Wasiirka arimaha Gudahu waa dreaamska, ama Rajada ugu weyn ee qof wal oo wasiir doonayaa ama isla han-weyni uu ku fakaro, ilaahow yaa mar uun kaa dhiga wasiirka arimaha Gudaha, Ollolaha ugu weyn ayaa loo galaa marka jagadaasi ay banaanaato oo raga qaar waxaabay ku dhawaadaan inay dagaal sokeeye bilaaban, marka ay jagadaas ay rajaynayeen ay waayaan, Jagadan aadka u muhiimka ah ee dadku wada doonayaa ninka iska Casila ee yidhaahda xilkaa waan iska Casilaey sababtoo ah lama Socdo siyaasada dawlada arintaa, waxaa ku Jira RAGANIMO WEYN, Wax ay cadaynaysaa in uu Yahay Dr, Gaboose, Objective, Qof soo horaysiiya Princubulkiisa ama iimaankiisa ee aan soo haraysiin jacaylka Jagada uu u qabo, Waxa ay Tusaysaa in gaboose, yahay nin iimaan leh, oo Xilka u qabtay inuu Bulshada ugu Adeego, ee aan u qaban Xiljeclaysi, ku danaysi, iyo dhaqaalaysi midnaba, Waa adeege Bulsho, Markii Xilkii uu isku Garanwaayeyna wuu baneeyey jagadii isaga oo aan la eryin.
Arintan ayaa ahaa talaabooyinka ay qaadaan Wasiirada dalalka hore u maray ee ilaahay ku manaystay Xilkasnimada, iyo Masuulnimada gaboosana, waxa uu Tusay ama la yimi Xilkasnimadaa marka uu Jagadaas iska Casiley.
Mida Sadexaad,ee aan ka Dhadhan saday jawaabihii qoraalka ayaa ahayd caadifad iyo Qabyaalad aan Jawaab u qalmin, waxaan leeyahay walaahay qabyaaladi waxba matarto.
Cabdi Qadir Jama Ismail Dacar USA Ca.
Political Science Educator.
Gobanimodoon@sbcglobal.net