|

Degaan weynaha Gadhxajix oo shidaalkii ugu badnaa laga helay

Hargeysa April 03,2012(SDN)-Shirkad kuwa shidaalka soo saara ah oo laga leeyahay dalka Australiya ayaa shaacisay in ay la wareegtay maalgelinta sahminta iyo soo saarka shidaal baaxadleh oo laga helay aaga Habr Gadhxajis ee Soomaaliland.

Shirkada Jacka Resource ayaa shaaca ka qaaday in ay la wareegtay kala badh kharashaadka shidaal baadhida iyo soo saarka aaga Habar Gadhxajis ee Somaliland.

Shirkada Petrosoma ayaa hore u heysatay ogolaashaha sahanka shidaalka Somaliland isla markaana shaacisay khiyaasta shidaal ee aagan ku jira.

Degaanka Habar Gadhxajis waxa ay baaxadiisu dhan tahay 2.2 milion hectare,waxa uuna ku baahsan yahay sadex ka mid ah degaanada 20ka ah ee sahanka shidaal lagu sameeyay ilaa iyo haatan.

Labadan shirkadood iyo Somaliland ayaa ku heshiiyay in Jacka ay bixiso wixii kharashaada ee ku baxaya hawlaha shidaalka ee aaga laga helay.

Madaxa shirkada Jacka Resource Scott Spencer ayaa sheegay in degaanka Habar Gadhxajis in haatan la xaqiijiyay in ay jiraan ilaa sagaal goobood oo shidaalku ceegaago.

“Waxaan ku faraxsanahay in inaga iyo Petrosoma aanu wadajir Somaliland uga hawlgeleyno,bilaha soo socdana aanu sahan hor leh wada sameyn doono”ayuu yidhi Mr Spencer.

Hawlaha ay labada shirkadood wada jirka mudada dhaw u qaban doonaan waxa ka mid ah sahan casri oo aagaa Habar Gadhxajis lagu sameeyo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed